|

Taliyaha AFRICOM oo taageeray dedaalada amniga Soomaaliya

Washington September 21, 2024(QJ)-General Michael Langley, Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegay in inkastoo jawiga ammaanka uu sii xumaanayo, Mareykanka uu weli yahay saaxiib adag, isagoo diiradda saaraya sidii dalalka Afrika looga caawin lahaa in ay adkeeyaan nabadda iyo ammaanka.

Hawlgalka Langley waxa uu xarun u yahay dadaallada wada shaqayneed ee si toos ah uga qayb qaadanaya hoggaamiyeyaasha Afrika, taasoo ka tarjumaysa sida ay AFRICOM uga go’an tahay dedaalada lagu xoojinayo iskaashiga amniga gobolka.

Booqashadii uu dhawaan ku tegey Soomaaliya ayuu Gen. Langley kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo qiimeyn ku sameeyay qorshayaasha ka dhanka ah argagixisada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka.

Booqashadani waxay hoosta ka xariiqaysaa siyaasadda muhiimka ah ee Maraykanka oo mudnaan siinaysa dublamaasiyadda fool ka foolka ah ee madaxda Afrika si loo hubiyo in taageerada milatari iyo amni ay la jaanqaadaan baahiyaha iyo yoolalka gobolka.

Wadahadallo heer sare ah, ayuu Jeneraalku ugu kuur galya sidii Mareykanka uu u sii wadi lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo sidoo kale la dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si ay u gaari lahaayeen isku filnaansho.

Langley waxa uu qiray caqabadaha hortaagan tayeynta ciidamada deegaanka balse waxa uu rajo ka muujiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay intii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamuud.

Leave a Reply