Taliyaasha Nabad Sugida ,Milatariga iyo Booliiska Somalia oo xilka laga qaaday iyo Taliyaal cusub oo la magacaabay
Muqdisho 06. April 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dood dheer kadib ansixiyay in xilka laga qaado Taliyaasha Ciidanka Nabad Sugida , Booliiska iyo Milatariga Soomaaliya iyo magacaabista Taliyaal cusub.
Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida ayaa laga qaaday Gen C/Laahi Gaafow Maxamuud waxaana xilkaasi loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horey usoo noqday Taliyaha Nabad Sugida Qaranka.
Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday Taliyihii ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Abaanduulaha Ciidanka, waxaana Taliyaha Cusub ee Milatariga loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.
Taliyihii ciidanka booliiska Gen Maxmed Sheekh Xaamud ayaa isna sidoo kale xilka laga qaaday waxaana xilkan loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska.