Talista asluubta Soomaaliyeed oo sheegay in ay dib u dayactir buuxda ku sameynayaan xabsiga dhexe ee Xamar
Muqdisho June 13,2015(SDN/QJ)-Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dib u dayactir ay ku sameynayaan Xabsiga dhexe ee xamar maadaama muddo uusan helin dib u dayactir dowladeed.
Taliye Bashiir Goobe ayaa sheegay in qeyb kamid ah Xabsiga oo ay doonayaan in ay dib u dhis ku sameeyaan ay ku bixi doonto lacag gaareysa hal milyan oo doolar waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka.
Taliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo dhawaan xilkaasi la wareegaya ayaa shaaciyey in uu xoogga saari doono dib udhiska Xabsiga dhexe iyo daryeelidda Maxaabiiska xabsiga dhexe oo ku kala eedeesan dambiyo kala duwan.
SDN/QJ-Muqdisho