|

Taliska Ugu Sarreeya Ciidanka Militeriga Somalia Oo Dhaliilay Shaqada Ciidamada AMISOM Ee Somalia Ku Sugan

Muqdisho:July,26,2014(SDN/QJ)-Taliska ugu sarreeya Ciidanka xoogga Somalia Gen. Indha-qarshe, ayaa dhaliilo dusha  ka saaray Ciidanka AMISOM eek a barbar dagaallama ciidamada somalida.

indhqarGeneral Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa wuxuu muujiyay inaanay Amisom daacad ka ahayn dagaalada maanta dalka ka soconaya, ee lagula jiro Ururka Al Shabaab.

 

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa sheegay inay Amisom masuul ka tahay joojinta dagaalada lagu doonaayo in lagu wiiqo awooda Ururka Al Shabaab, oo si weyn uga soo horjeeddo Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in Ciidamada Soomaaliya ay markasta heegan ugu jiraan in la qaado hawlgalo ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, oo ka arrimiya qaybo ka mid ah Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

Hase ahaatee Ciidamada Amisom oo ka socdo dalal kala duwan, ayuu sheegay inay ka dhaxeyso xifaaltan, taasina ay u sabab tahay in dib u dhac uu ku yimaado hawlgalada.

Taliyaha ka hor waxa jira dad badan oo arrimaha Militeriga aqoon u leh oo ka soo horjeeda Hannaanka ay AMISOM u waddo hawlgalladeeda ay kaga soo horjeeddo Al-shabaab, maadaama aanay si niyad ah uga Go’nayn in Al-shabaab laga Takhaluso.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed