|

Taliska Sare ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Dirawaliinta Gaadiidleyda Dukhaanka(VITZ).

Hargeysa, 09.Sep 2015 (SDN/QJ)- Talliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Ayaa Digniin Culus u Diray Dirawalada Gaadiidka Loo Yaqaan Dukhaanka.

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan Waxaa uu sheegay in gaadiidkaasi loo adeegsado qaadista mukhaadaraadka laguna dhexsameeyo falal xunxun.

Taliyuhu waxaa uu cadeeyay in gaadiidka dukhaanku ay noqdeen ka ugu shilka badan dalka islamarkaana bilihii u dambeeyay hablo badan lagula baxsaday.

dukhaanTaliyaha oo arimahan ka hadlaya ayaa sheegay “ Waxaan halkan digniin uga dirayaa baabuurta yaryar ee Vitz(Dukhaanka) oo aanan dhamaantood odhanayn waywada xunyihiin laakiin badhkood, Gaadiiidka badanka waxaa wata dhalinyar, Khasaaraha ay gaystaan waxaa kamida sida ay u maraan wadooyinka o shilalkii ugu badnaa sanadka oo ay galeen, Gaadiidkani qaarkood waxaa lagu qaadaa mukhaadaraad oo falal amni daro ah sababi kara, Hablo badana waa lagu afduubay”Ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliye Fadal oo dirawalada gaadiidka dukhaanta fariin u dirayaa waxaa uu yidhi “Waxaanu digniin u diraynaa dirawalada gaadiidkaasi oo aanu leenahay hadii falalkaasi la idin ku qabto waxaa la idin marin doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo kuwo hore oo la qabtay la mariyay.Bacda loo yaqaan Beersooshana waxaanu leenahay mudo Shan iyo toban cisho ah halagaga furo gaadiidka”.

Ciidama Bileyska Somaliland ayaa habeenkii xalay baadhitaano xoogle ka samaynayay magaalada Hargeysa.

Comments are closed