Taliska Sare ee Booliska Kenya oo Shaaciyey inay Baadhis Dhab ah Ku hayaan Laba Dhallinyaro ah oo Si Arxan Daran ay ugu Toogteen Badhtamaha Xaafada Isli ee Magaaladda Nairobi & Arrimo ay Shaki Geliyeen DAAWO
Nairobi 04. April 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Ciidanka Booliska Kenya, Charles Owino ayaa Sheegay in Baadhis lagu hayo Laba Dhallinyaro ah oo si Badheedh ah ay ugu Dhex Dileen Xaafadda Isli ee Magaaladda Nairobi Askar ka Tirsan Ciidanka Loo Yaqaan Flying Squad-ka, Iyadoo Muuqaal Laga duubay Markii uu Mid ka Tirsan Askartu Si Badheedh ah u Baaskoolad Ku qabtay Mid ka mid ah Labada Marxuun Daqiiqado Kadibna La Maqlay Shan Xabadood oo uu Ku dhuftay,hadana uu Mid kale oo ka mid ah Askarta ka qaaday Baastooladiisa Kadibna uu ku sii Dhuftay Dhawr Xabadood.
Waxa uu Taliska Booliska Kenya Ku doodayaa in Marka Hore la Hubiyo in Ragani ka Mid ahaayeen Booliska.
Dad badan ayaa aad uga naxay markii ay daawadeen muuqaalka, waxaana hey’addaha xuquuqda Insaanka ay codsadeen in la baadho arrinta Isla Markaana Caddaalada la hor keeno Kuwii Falkan Fuliyey.
Qaabka uu u Dhacay Dilkan Naxdinta Badan.
Dhinaca Kale Waxay Arrintani Keentay Kacdoon ka dhashay Falkan.