|

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo Sheegay inay Maxkamad horgaynayaan C.raxmaan Dabcasar DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada Booliska Somaliland waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji (Dabcasar) isla markaana ay maxkamad hor keeni doonnaan.

Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in Dabcasar lagu soo eedeeyay danbi ka dhan ah qarannimada Somaliland.

Sidoo kale, Afhayeenka ciidanka boolisku waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidanku ay jidh-dileen Dabcasar.

Comments are closed