Taliska Ciidamada Xooga dalka oo soo dhaweeyay duqeymaha Al Shabaab
Muqdisho Feb 25,2012(SDN)- Taliska Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan duqeymo waliba oo lala bartilmaameedsado Kooxda Al Shabaab oo uu sheegay inay carqalad ku yihiin geeddi socodka ammaanka dalka Sooamaliya.
C/laahi Cali Caanood, Taliyaha Gaaska Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah ayaa sheegay in dowladda Federalka KMG ah ay soo dhawaynayso duqeyn waliba oo lagu waxyeelaynayo Kooxda Al Shabaab oo dhawan ku biirtay Al-qaacidda.
Taliyaha ayaa sheegay in duqeyntii shalay ka dhacay deegaanka Lambar 60-dan ee gobolka Sh.hoose lagu dilay ilaa dhowr dagaalyahanno oo uu sheegay inay ahaayeen ajaaniib iyo kuwa kale oo ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo hadlay ayaa waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan duqeyn waliba oo ay diyaaradaha dagaalka la beegsadaan dagaalyahannada Al Shabaab ee ku sugan Koofurta iyo bartmaha Soomaaliya.
Ururka Midowga Yurub ayaa goor dhaweyd ka shiray sidii loo duqeyn lahaa Xarumaha Kooxda Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale Maraykanka waxa uu sheegay in diyaaradahiisa nuuca aan duuliyaha la hayen ay sii laba jibaari doonaan duqeymaha ka dhanka ah Al-qaacidada Soomaaliya ee Al Shabaab oo ay tilmaameen inay qatar ku yihiin ammaanka geeska Afrika.
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa galay waji cusub maadaama dhinacyo badan uu ka haysto culees, waxaana warar maalmihii u dambeeyay soo baxayay ay sheegayeen in tiro ka tirsan Saraakiisha Al Shabaab ay doonyo ugu baxsaneyeen dekadda Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
SDN-Muqdisho