Taliska Booliska Somaliland oo amaro adag Ka soo Saaray Gaadiidka Ololaha ee Xisbiyadda Qaranka ee Xiliga Habeen-nimo & Shilal ka Dhashay Banaan baxa Axsaabta DAAWO
Hargaysa 24. October 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan oo ay Weheliyaan Saraakiil Sare oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku amray Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolada Iyo Degmooyinka dalku inay Talaabo Sharci ka qaadaan Xisbigii ku Xadgudba Wakhtiga Cusub ee Komiishanka Doorashooyinku u dejiyeen in Xisbiyada Qaranku iyo Taageerayaashoodu ku Ololeeyaan.