Taliska AMISOM oo uga Hadlay si Taxaddar leh Ciidamadoodii ka baxay MARKA
MARKA — Qoraal kooban oo ay AMISOM soo dhigtay Barta ay Twitter-ka ku leedahay ayaa lagu shaaciyay in Ciidamadooda ay si Farsamo ah uga baxeen Degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.
Inkastoo AMISOM aysan Qoraalkoodan kooban ku Magac-dhabin Magaalada Marko ayaa haddana, waxay xuseen sheegeen in ciidamadoodu ay dib ugu laabanayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, ujeedkooduna uu yahay sidi ay Al-shabaab u burburin lahaayeen.
“Ciidankeennu Waqtiba kan ka dambeeya ayay u Qorsheynayaan inay Saldhigyadoodii dib ugu laabtan , farsamadaana waa mid aan uga dan leennahay inaan ku jabino argagaxisada,” ayaa lagu yiri Qoraalka kooban ee AMISOM ay soo dhigtay Twitter-ka.
Our troops will from time to time re-adjust their positions for tactical purposes to guarantee defeat of terrorists. #Somalia
— AMISOM (@amisomsomalia) February 5, 2016
AMISOM continuously reviews troop positions to ensure effective execution of our mandate.
— AMISOM (@amisomsomalia) February 5, 2016
Warbixintan ay AMISOM soo dhigtay Boggooda Twitter-ka ayay ku xuseen in ay ka go’an tahay inay ciidamadu dib ugu laabtaan saldhiggyadoodii si ay u sii wadaan waajibaadkooda shaqo.
Hadalkan oo u muuqday mid maldahan, ayaa wuxuu imaanayaa xilli Al-shabaab ay maanta la Wareegeen gacan ku
haynta Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeeellada Hoose, halkaasoo Al-shabaab laga qabsaday dhammaadkii 2012-kii.
Ugu dambeyn, Ciidamadii AMISOM iyo kuwii Dowladda Somalia ee degmada Marko ka baxay ayaa hadda ku sugan deegaanka Shalaanbood oo aan wax badan ka fogeyn degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.