|

Talihii Ciidanka Sirdoonka ee gobolka Saraar oo ku geeriyooday weerar Caynaba ka dhacay

Caynaba April 16,2013(SDN)-Waxa maanta gelinkii danbe lagu dilay magaalada Ceynaba ee xarunta gobolka Saraar Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee Gobolkaasi Axmed Ceydiid.

Taliyaha ayaa ku geeriyooday wadada u dhexeysa Ceynaba iyo Burco tiyoo xiligaa lagu sii wado cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo meydka marxuumkuna haatan uu yaalo.

Taliyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ay gaar siiyeen koox dabley ah oo weeraray xabsiga dhexe ee Ceynaba.

Dableyda oo weerarka kula wareegay xabsiga magaalada ayaa la baxay laba ruux oo ay dableyda isku heyb yihiin.

Ma cada waxa maxaabiistu u xiraayeen ilaa iyo haatan,xaaladan ayaase walaac ku abuurtay bulshada gobolka ku nool.

SDN-Caynaba

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed