|

Taliban oo sheegay in ay hakiyeen wadahadalo ay la lahaayeen Mareykanka,maxey tahay sababtu?

Doha Feb 24,2014(SDN)-Kooxda Taliban ee ka dagaalanta dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in ay joojiyeen wadaxaajood ay la lahaayeen dalka Mareykanka ka dib kolkii la isku afgaran waayay siideynta qaar ka mida hogaamiyeyaasha Tabilban ee ku jira gacanta Mareykanka.

Dawlada Mareykanka ayaa ka gaabsatay shaacinta iyo qirashada in ay wadahadalo kula jiraan kooxda Talibaan ee ay dagaalka kula jiraan.

Taliban ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayeen in hogaamiyeyaashooda ku jira gacanta Mareykanka ay ku bedeshaan askeri Mareykan ah oo ay qabteen sanadii 2009kii.

Dawlada Mareykanka ayaa sarkaal u hadlay oo diiday in magaciisa la shaaciyo waxa uu qiray in wadaxaajood u dhexeyo Talibaan,balse hakadkoodu aanu aheyn mid ku lug leh siideynta maxaabiista Talibaanka.

Taliban ayaa xafiis ku leh dalka Qatar isla markaana dhawaan ogolaaday in ay halkaa wadahadal kula yeeshaan dawladaha Afgaanistaan iyo Mareykanka.

SDN-Doxa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed