|

Talibaan oo Madaxtooyada Afgaanistaan weerar ku Qaaday

Kabul June 25,2013(SDN)-Kooxda Talibaan ee dagaalka kula jira ciidamada Huwanta NATO iyo kuwa dawlada Afgaanistaan ayaa weerar aad u balaaran ku qaaday madaxtooyada dalkaasi.

Weerarkan oo dhacay xili halkaasi ay ku sugnaayeen marti sharaf suxuufiyiin ka mid ahaayeen oo sugayay khudbad lagu waday in uu jeediyo madaxweyne Xamid Karzi.

Qaraxyo iyo rasaas culus ayaa laga maqlayay kadinka madaxtooyada ee bari,mana cada in madaxweynuhu ku sugnaa goobaha weerarku saameeyay.

Qasriga Madaxtooyada ee Kabul ayaa ah halka ay ku yaalaan inta badan safaaradaha isla markaana ay ku nool yihiin xubnaha ka tirsan Baarlamaanka iyo xukuumada Afgaanistaan.

Waxaan sidoo kale madaxtooyada ka fogeyn Safaarada Mareykanka iyo xarunta CIAdu ku leedahay Kabul.

Dawlada Afgaanistaan ayaan weli ka hadal weerarkan iyo baaxada khasaare ee ka dhalatay.

Kooxda Talibaan oo dhawaan shaacisay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dawlada Karzi ayaa sheegatay weerarka.

SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed