Taleex:Milatariga Somaliland oo ka Baxay
16,Apr.2014(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya Magaalaladda Taleex ee Gobolka Sool,ayaa sheegay in Ciidamadii ka tirsanaa milatariga Somaliland ee shalay Magaaladaasi la wareegay haatan gabi ahaanba ka baxeen magaaladda.
Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay Ka bixitaankan.laakin siday Shabakadda Somalidiasporanews.com warar ay heshay sheegayaan arintan ayaa ka danbaysay ka dib shirar kal duwan oo dhexmaray Saraakiisha Ciidamadda iyo Odayaasha Deegaanka,taas oo laysla afgartay inay Ciidamadu Magaaladda ka baxaan.
Lama oga waxa ay ciidamadu dhaafsadeen ka bixtaanka Magaaladda iyo inay ku soo noqon doonaan midna.waxa kalena oo aan isna cadyn halka ay si rasmi ah ugu suganyihiin Ciidamadii markii hore Magaaladda KU joogay.
SDN/QJ-Taleex,Somaliland