“Taladaydu waa Muddo-kordhinta Guurtida halloo daayo Wakiillada oo Kali ah, Madaxweynuhuna Ha soo Saaro Degreeto uu Doorashada Madaxtooyada ku salaynayo Wakhtiga Xisbiyadu ku heshiiyeen ee ah Bisha December….”Axmed Y. Yaasiin
Hargeysa:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka Hadlay Is-mariwaaga Siyaasadeed ee dalka ka aloosan, waxana uu shaaca ka qaadday cidda shirka talo qaran ee muranku ka taagan yahay qaban karta.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo Waraysi Gaar ah siiyey Wargeyska Hubaal, ayaa waxa sidoo kale soo jeediyey talooyin waayeelnimo iyo waayo aragnimo xambaarsan oo la xidhiidha sidii dalka looga saaro lahaa murugga siyaasadeed iyo is qabqabsiga su’aasha geliyey yididiiladii shacabka Reer Somaliland.
Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore ee Somaliland waxa uu si mug leh mugdiga uga saaray cidda xaqa u leh inay shir qaran qaban karto,
“marka la leeyahay xisbiyo qaran waa kuwa dhala Maamulka Haatan Jira, Golayaasha Taaganna dhalay, kuwa iman doonana dhali doona saasayna ku noqdeen Xisbiyo qaran. Marka shir qaran laga hadlayo-na Xisbiyada waxa Metelaya kuwii ay dhaleen oo ah Golayaashii qaranka, Golayaasha qarankuna waxay ka kooban yihiin Xisbiyadii qaranka, Talo-qaranna waxa samayn kara oo kali ah Golayaasha qaranka.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Isagoo Hadalkiisa sii wata, waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin Sheegay in muranka Mucaaridka iyo muxaafidka ee muddo-kordhinta salka ku hayaa aanu mudnayn in wakhti badan la geliyo, waxana uu intaas ku daray inay jirinaan arrimo muhiim ah oo u baahan in la qabyo tiro, waxana uu yidhi,
“Waxa la isku hayaa horta waa Afar Bilood, Afar biloodna wax qaran isku qabqabsado anigu uma arko, waxyaabo waaweyn oo muhiim ah baana ka horreeya, kuwaas oo u baahan in meel looga soo wada jeesto, Diiwaangelinta Codbixiyayaashuna waa muhiim, Haddii aan Diiwaangelin rasmi ah la hellina waxa iman kara Qalalaase kan ka xoog badan si looga gudbo in waddanku ku dhaco isqabqabsi dambe. Haddii diiwaangelin sax ah la waayona doorasho dhici mayso.”
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in loo baahan in il gaar ah lagu eego doorashooyinka Madaxtinimada iyo Wakiillada ee isa saaran, kuwaas oo u baahan in istiraatijiyad xaqiiqda ku fadhida loo sameeyo,
“Hore uma ay dhicin in dalku laba doorasho oo isa saaran uu hal mar wada galo, halkaas culays xoog leh baa saaran, waana in laga fikiraa qaabkii labadaas doorasho loo wada qaban lahaa, gaar ahaan waa in wax la iska weydiiyaa doorashada Wakiillada.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Mudane Yaasiin waxa uu soo jeediyey Talooyin wax ku ool ah oo lagaga bixi karo Cakirnaanta Arrimaha Haatan Taagan, waxana uu madaxweynaha usoo jeediyey inuu Labada Doorasho kala qaado, waxana uu yidhi,
“Taladaydu waa Muddo-kordhinta Guurtida halloo daayo Wakiillada oo Kali ah, Madaxweynuhuna Hasoo Saaro Degreeto uu Doorashada Madaxtooyada ku salaynayo Wakhtiga Xisbiyadu ku heshiiyeen ee ah Bisha December, si labadaas doorasho culayskooda loo kala qaado, Khilaafkana looga baxo.”
Isagoo talooyinkiisa sii wata ayuu Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay in Madaxweynaha looga Baahan yahay inuu Go’aamo uu xaaladdan ku furdaaminayo qaado,“Cadaw badan baa inagu xeeran oo doonaya inay somaliland kala daadatee Madaxweynuhu Go’aan ha gaadho, afar bilood waa Berri, Shantii sano ee Xukuumaddu joogtay waxay ahaayeen shan cisho, Siddeedii sano ee aanu joognaynayna waxay ahaayeen Siddeed cisho.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Xigasho:Wargeyska Hubaaal
SDN/QJ