|

Talaabada ay labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland kaga Jawaabeen Is hortaaga Guurtida ee Heshiiskii Xisbiyada iyo Kulmiye oo Aamusni door biday

Hargaysa 01.June 2015 (SDN/QJ)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa ganafka ku dhuftay isla markaana xaalad-abuur meel-ka-dhac ku ah sharciga dalka iyo heshiiska lagu xalliyey khilaafkii siyaasadeed ee jiray ku tilmaamay mowqifka Golaha Guurtida iyo Shir-gudoonkoodu ku difaaceen Muddo-kordhinta ay u sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.


Fadhi Golaha Guurtidu ku yeeshay xaruntooda, ayaa guddoomiyaha Golahaasi Md Saleebaan Maxamuud Aadan ugu khudbadeyey mudaneyaasha inay difaacaan Go’aanka muddo-kordhinta ee goluhu gaadhay oo Md Saleebaan ku sheegay in uu sharci yahay, isagoo dhinaca kale sharci-darro ku tilmaamay heshiis ay wada-gaadheen Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumaddu todobaadkii hore.
Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa ganafka ku dhuftay isla markaana sharci-darro khilaaf hor leh ka abuuraysa dalka ku tilmaamay Dhawaqa ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxaanay ku hanjabeen inay qaadan doonaan mowqi

Xildhibaan buubaaAfhayeenka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiillada oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey mowqifka Xisbi ahaan uga yaala Golaha Guurtidu ku dedafeeyey heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumadda, ayaa Guddoomiyaha Guurtida ku eedeeyey inuu marin-habaabinayo oo uu arrimo siyaasadeed uga faa’idaysanayo xil-gudashadii loogu talo-galay Golaha Guurtida.


“Waxay noola muuqataa nin weyn oo hadal meel-ka-dhac ah ula badheedhay Somaliland oo dhan. Had iyo jeer Somaliland waxa lagu yaqaannay oo ay halkaa ku soo gaadhay in isu-tanaasul lagu dhammaysto mar kasta oo khilaaf yimaaddo. Golaha Guurtida waxa uu u samaysan yahay marka la eego dastuurka arrimaha nabadgelyada iyo dhaqanka.


Dhawaaqaas uu Saleebaan yidhi waxba kama jiraan wixii lagu heshiiyey wuxuu ka hor imanayaa dhammaan shuruucdii iyo Waajibaadkii Dastuurku siinayey golaha. Waayo, maanta lagama sugayn Golaha Guurtida iyo Guddoomiyahoodaba Somaliland oo guul ku tallaabsatay oo khilaaf siyaasi ah laga gudbaayo inay yidhaahdaan waxaasi waxba kama jiraan oo khilaafkii iyo buuqii ha sii taagnaado, waana wax laga xumaado, waxase yaala Golaha Guurtidu Saleebaan oo kaliya maaha Xubin buu ka yahay, laakiin u malayn maayo inay la qabaan aqlabiyadda Goluhu, waxaanu qabnaa in golaha Guurtidu wanaaggii lagu yaqaanay oo ay ka shaqaynayaan heshiiska iyo sidii ay u waafajin lahaayeen sharciyadda. Markaa waxaanu leenahay guddoomiye Saleebaan haka laabto Gefkaas uu ula badheedhay Somaliland oo dhan iyo inuu yidhaahdo ummad heshiisay waxba kama jiraan heshiiskoodu,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani.


Afhayeenka Xisbiga Waddani oo aanu weydiinnay waxa ay xisbi ahaan ka qabaan doodda Guddoomiyaha Guurtidu ku sheegay in go’aankoodu sharci ahaan ka sarreeyo heshiiska dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda, waxa uu ku jawaabay, “Marka horeba Goluhu xaq umuu lahayn inuu go’aankaas qaato, dastuurkana wuu cadyahay oo wuxuu dhigayaa madaxweynaha muddo-kordhintiisa waxa lagu samayn karaa Aafo Qaran iyo amni-darro dalka ka dhacda, mana jirto oo Illaahaybaa innaga badbaadiyey. Xisbi ahaan waxa nooga yaalla ma aqbalayno, sharciyadda way baalmarsan tahay, immikana sababtuu isugu dhajinayo (guddoomiye Saleebaan) waxaanu u aragnaa inuu leeyahay dalka khilaaf haka dhasho. Waxaanu leenahay, Saleebaan ha u soo ban-baxo siyaasadda oo Golaha Guurtida haka soo dhex-baxo oo xisbiyada haku soo biiro,” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.


Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka hadlayey cidda looga fadhiyo ee masuuliyaddu ka saaran tahay fulinta heshiiskii Dhexmaray xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaraadka, waxa uu yidhi, “Xisbi ahaan waanu ka tashanaynaa waxaanu qaadayno, laakiin sharciyan immika xukuumadday u taallaa inay Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiso dacwad ka dhan go’aanka Guurtida. Guddiga Doorashooyinkana waxa looga fadhiyaa inay soo saaraan maalinta doorashadu dalka ka dhacayso bisha December badhtamaheeda maalin ka mida, kadibna uu digreeto ku saxeexo oo ku sharciyowdo, haddii taasi dhacdo shaqadii ay lahaayeen way gudanayaan xukuumadda iyo guddiga Doorashinku. Haddii taasi dhici weydo, waxa noqonaysaa in umadda reer Somaliland farta loogu fiiqo xukuumadda iyo ciddii kale ee shaqada gudan wayda.”.

Cabdirashiid Xasan Mataan Dhinaca kale, Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo Isagoo jooga magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal Khadka telefoonka ugu warramay Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey mowqifka Golaha Guurtidu iska taagay Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuuumadda, waxa uu sheegay in arrintani sii hurinayso xaaladda siyaasadeed ee dalka, haddii Golaha Guurtidu tixgelin-weydo heshiiska la gaadhayna ay Xisbi ahaan ku adkaysan doonaan in dib loogu noqdo sharciga isla markaana dib loo eego sababaha kallifay muddo-kordhinta loo sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.
“Heshiisbaa la galay, dalka sharcigiisuna waa weeyi wixii lagu heshiiyo ayuunbaa sharci ah. Immisa sharci oo jiray, ayaa ergo laga galay oo waliba Saleebaan laftigiisu ergo ka galay, dabadeedna wixii lagu heshiiyeybaa sharci noqday. Muddo-kordhinta waxa keenay waa wakhtiga ay doorasho ku qabsoomi karto ee lagaga bixi karo uunbaa dib u dhigtay, wakhtigiina Komishanka soo saaray, duruuf kale oo dib u dhigtay ma jirto.
“Sannadkii la kordhiyey wuxuu ku yimi xil-gudasho la’aan xukuumaddu leedahay, muddada dheeraadka ku ah inta komishanku yidhi waanu ku qaban karnaa waa toban bilood, markay taas ku dhageen xukuumadda iyo Guurtidu, si aanu dalka uga badbaadinno khilaaf waxaanu oggolaannay ilaa December, taasina xal bay noqotay ee maaha sharci,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Cabdirashiid Xasan Mataan oo aanu weydiinnay go’aanka Xisbi ahaan uga yaala haddii Golaha Guurtidu ku adkaysto muddo-kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ay sameeyeen, waxa uu sheegay in taasi meesha ka saarayso heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu ku gaadheen in doorashooyinku qabsoomaan bisha December ee sannadka 2016-ka isla markaana ay ku adkaysan doonaan mowqifkoodii hore ee ahaa wakhtigii Guddiga doorashooyinku u muddeeyeen qabsoomidda doorashooyinka oo ahaa bisha June ee sannadka 2016-ka. “Waxa lagu noqon doonaa 1-da June. Waxaanay noqonaysaa haddii wixii lagu heshiiyey la diido in dib haloogu noqdo sharciga oo la yidhaahdo wixii muddo-kordhinta loo sameeyeyba meesha ma taallo oo maxkamad laysla tago,” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Jaamac ShabeelDhinaca kale, Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo aanu wax ka weydiinnay arrintan, ayaa gebi ahaan ka gaabsaday inuu ka hadlo. “Waxba kama odhanayo, xilligana diyaar uma ihi inaan ka hadlo,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac-Shabeel oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay.
Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda, ayaa heshiiska ay todobaadkii hore wada-gaadheen oo ka koobnaa, ayaa lagu gaadhay in doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada lagu qabto bisha December ee 2016-ka, halka muddo-kordhinta 22-ka bilood ah ee Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wakiilladu ku riixayso qabsoomidda doorashooyinka bisha badhtamaha sannadka 2017-ka, arrintaas oo sababtay in dhinacyada siyaasadda ee dalku heshiis loo midaysan ku muddeeyaan Xilliga Doorashada, in kasta oo qodobka heshiiska ka mid ah lagu xusay inay tixgelinayaan go’aanka Guurtidu gaadhay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed