|

Taksiile Habeenkii Xalay Lagu Dilay Magaalada Garisa

Garissa:July,02,2014(SDN/QJ)-Fiidkii hore ee Habeenkii Xalay waxa Magaalada Garisa ee Waqooyi-bari dalka Kenya lagu khaarajiyey ninka taksiile ahaa oo Magaalada ka shaqaysan jirey.

???????????????????????????????Ninkan ayaa dilkiisa la sheegayaa inay ka dambeeyeen Kooxo Budh-cad ahaa oo Baastoolado ku Hubaysnaa, isla-markaana Goobta ka cararay ka hor intaan la qabanin.

Dableydaan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay taksiilaha ku dishay Badhtamaha Magaalada Garissa, iyadoo ay xabado badan kaga dhufteen Laabta.

Ciidamada Booliska ayaa Goobta Gaadhay xilli ay dabylaydii ka Baxsadeen, iyadoo aanay jirin cid ay gacanta kudĀ  dhigeen.

Dilalka iyo qaraxyada, ayaa muddooyinkaan dambe wax caadi ah ka noqday dalka Kenya, kadib markii ay gudaha u galeen dagaal-yahano taabacsan Ururka Al Shabaab, kuwaas oo Habeenno ka hor laayey Dad shacab ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 100-Qof.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed