|

Tahriibeyaal Soomaaliya ah o odoon kula rogmatay Madagascar

Muqdisho November 24, 2024(QJ) – Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya C/llaahi Warfaa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay doonyo ay la socdeen in ka badan 70 ruux oo tahriibayaal Soomaali ah oo ku qalibantay dalka Madagascar.

Danjire C/llaahi Xaaji Warfaa ayaa ka warbixiyay doonyaha oo ahaa labo doonyood, waxaana saarnaa ku dhawaad ​​70 ruux. In ka badan 28 qof oo Soomaali ah ayaa dhintay, 48 kalena waa ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa u gurmaday kalluumaysato maxalli ah oo u dhashay dalka Madagascar.

Danjire Warfaa ayaa intaas ku daray in safaaraddu ay qorsheynayso sidii ay dib ugu soo celin lahayd dadkii badbaaday, ayna si dhow ula socon doonto xaaladda dadka ay hadda gacanta ku hayso dowladda Malagasy.

Safiirka ayaa tacsi u diray ehelada marxuumka, wuxuuna xusay in safaaraddu ay dadaal ugu jirto sidii ay u ogaan lahayd halka ay ka yimaadeen iyo meelaha ay u socdeen.

Comments are closed