Tahriibayaashii Ugu Tirada Badnaa oo Labadii Maalmood Ee Ciidda ka Tallaabay Xuduudda Somaliland iyo Ethiopia iyo Xukuumadda oo Indhaha ka qarsatay Celintooda
Hargeysa:10-Aug-2013(SDN) Waxa labadii Maalmood ee Ciidul fidriga Ka tallaabayXuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Ithiopia dhallinyaradii ugu tirade badnayd oo koox koox u socota, iyadoo Xukuumadduna aanay wali waxba ka qabanin sidii loo joojin lahaa.
Dadka Shababka ah ee Ku Deegaamada Wajaale iyo kuwo kale oo xuduuda ku Teedsan, ayaa shabakadda wararka Ee Qurbejoog.com u sheegay inay labadii maalmood ee Ciidda Arkeen tiro aad u badan oo kuwaas oo si badheedh oo aan dhuumasho lahayn kaga gudbayey Xuduudda.
Dhallinyaradan oo iskugu jira rag iyo Dumar, ayey dadka arkay tiradooda ku qiyaaseen ilaa Toddobaataneeyo raabo-raabo u socday, waxana ay dhamaantood galeen Ethiopia oo sida la hubo ay uga sii gudbi doonaan dhinaca dalka Suudaan si ay u beegsadaan Badweynta u dhexaysa Talyaaniga iyo Libia.
Xukuumadda Siilaanyo oo dhawr goor sheegtay inay wax ka qaban doonto xawaaraha Tahriibta, ayaan ilaa iyo Hadda ku guulaysan inay hakiyaan amaba yareeyaan sibir-dhaqaaqa da’yar dalka, waxana ay haatan u muuqataa mid kala bakhayshay inay xuduuda ugu yaraan dhigto ciidan ka hawl gala si loo yareeya dhallinta amba-baxaysa ee haatan kooxaha isku raacaysa.
Tahriibka oo ah Aafo qaran ayaa haatan ah mid xadhkaha goostay, waxana taas ugu wacan niyad-jab iyo rajo xumo soo foodsaartay dhallinyaradii mudada waxbarashada ku soo jirtay oo shaqo la’aan dariiqyada la taag-taagan, iyadoo ay haatan aamineen inay tahriibtu tahay dariiqa kaliya ee ay ku heli karaan Nolol ka fiican middan ay haatan deriska la yihiin.
Si kastaba ha ahaatee waxa dhallintan tahriibaysaa ay dhegxumo iyo taariikh madow ku tahay xukuumadda Axmed Siilaanyo oo markii ay mucaaradka ahayd ku faani jirtay inay ku dhaqaaqi doonaan barnaamijyo shaqo abuur loogu raadinayo dhallinta dalka, waxase haatan xukuumaddan lagaga cabanayaa qabyaalad iyo eex ku saabsan dhinaca bixinta shaqada.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/Somaliland.