|

Tahriibayaal Somali iyo Pakistan isku Jirta Oo Lagu Qabqabtay Dalka Turkiga

Stanbul:May 27,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigeen Muhaajiriin Somali u badnayd oo Halkaas  ku sugnaa, kuwaas oo dalalka kale ee Yurub u sii baxaya.

 

turikiiiiWarbaahinta dalka Turkiga oo soo xiganeysa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in Muhaajiriinta la qabtay ay gaadhayaan 124, waxaana la sheegayaa inay xiligaasi ku sugnaayeen Gobolka Igir ee Bariga Turkiga iyo deegaanno ku dhow xuduudka dalka Iiraan.

 

Sidoo kale, Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegay in Muhaajiriinta Shisheeyaha ee lagu soo qabtay Gobalka Igdir ay kala ahaayeen 7 Somali, 60-Pakistan, 51-Afganistan iyo 12 u dhalatay dalka Bangaladesh.

 

Dhanka kale, Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Turkiga, ayaa lagu sheegay inay shantii bilood ee la soo dhaafay gacanta ku dhigeen 904 Muhaajiriin Shisheeye, kuwaasi oo doonayey inay dalka Turkiga kaga sii gudbaan dalka Giriigga.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed