|

TAHRIIBAHA MAANTU WAA QAXOONTIGA BERI, Qallinkii: Axmed Cabdi Xasan

12011151_1613392628933410_3206369652094892469_nHabeen oo dhan ma seexdo , subbixiina hadal hayntiisa madaayo. hadba dadka jecel kama foggaado, Waa wiil dadaal badan , haddana darxumo jecel. mid weeye war iyo wacaal adduunka yaal ,misna aan weedhi ku seegganayn. Waa mid talo badan , haddana aan tusmeyn. Waa mid Waanada Waalidka  u-nuggul , Haddana aan weellayn waa mid aad udhiiran, Waliba dhul – shisheeye jecel.

Waxaynu ognahay markaan ka soo tago hogga tusaaleynta Tiraabteyda in dhalinyaradii Turuqa ,Tacabka,Talada,dalka u,ahayd ay ka huleeshay wadanka, Qaarkoodna ku-ba tashadeen Bilowga Bilahan soo socda. waxaa marag madoona, in maskaxdii ,mankii ,Muhindiskii, dalkan uu lahaa Maanta aanu nalaba joogin. marka laga reebo, in yar oo aan ku jiro ,ilaahayna fahan -siiyey Nolosha fahamkeeda.

Hadaba su,aashu waxay tahay Waa maxay sababta ay la tahriibayaan dhalinyardii Waddanku ?

Run ahaantii Waa su,aal mug weyn, Misna aan jawaab qudha lahyn. ee u- baahan Cilmi baadhis qoto-dheer . hadaan se qaar ka midda yara soo qaddimo : Waxaa ka midda Shaqo laanta baahsan ee wadanka ka jirta, oo Waayo markuu inankii Wakhti badan ,wax la soo baraayey , hadana aan walli aan isku filaan, Waxay Marag ma-doon u,tahay Camal- laanta Dalka ka jirta.Qof kastaa Wuxuu jecel yahay Mustaqbal Cad oo ifaya, Sida dayaxa.

Ta labaadna waa: Cadaalad darada wadanka haysata ee Nin jeclaysiga,Qudhunka,Qaraabo kiilka,Qabyaalada,lagu qoraayo shaqada markay soo baxdo. ee aan lagu Xuleyn yaa aqoon-jiraa Yaase aan ahyn. ee halkii imtaxaan lagga marin lahaa ardaydii ama shaqo-doonkii lagu qaadanaayo,yaa ku yaqaan. Taasina Waa Waxyaala ugu muca weyn ee ay dhalinyaradii uga Tageyso wadanka .

Waan Ku sii socon doona maqaalkan qoraalkiisa Markaa Cilmi baadhis Mug leh ka Sameeyo Iyadoo aan imika ku gu-da jiro Hawshaas ilaahay amarkiisa ay ka soo bixi doonan wax laga daweyn karo da-yarta reer somaliland

 

W/Q: Axmed Cabdi Xasan

 

………. la soco……………

Comments are closed