|

“Tagiska Turkiga Ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda & Madaxtooyada, Waxaanu U Aragnaa In Xukuumaddu La Dhuumaneyso Wada-Hadallada Somaliya, Oo La Xaraashayo Qadiyadda S/Land..” Xildhibaan Buubaa

Hargeysa, 22 April, 2016-(SDN/QJ):– Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Af-Hayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,ayaa si ba’an u dhaliilay qaab dhismeedka iyo hawlqabadka guddida ictiraaf raadinta Somaliland iyo waliba socdaalka ay Wasiiradda Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyadu ugu maqan yihiin dalka Turkiga.

Wadani iyo XukuumadaXildhibaan Buubaa oo warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa Shalay, ayaa ugu horreyn waxa uu dhaliilay guddiga ictiraaf raadinta Somaliland ee Madaxweynuhu dhawaan Magacaabay, “Runtii waxaynu ka war-haynaa in dhawaan Madaxweynuhu magacaabay Guddi aad u tiro badan oo uu u bixiyey guddiga Ictiraaf raadinta Somaliland, inkasta oo Mandate loo samayn aanu jirin, shirar ay galeen oo ay hawlohooda ku lafo gurayeena aanu jirin, oo ay ilaa imika iska tahay guddi fadhiid ah oo wax u qorshaysan iyo waxay qabatay aan ilaa imika la garanaynin”.

 

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay ujeeddada socdaalka toddobaadkan ay dalka Turkiga u tageen Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyada waxaanu yidhi, “Arrintan imika soo baxday ee ah inay Turkiga tagistiisa ee Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyada iyo xubno kale oo la tilmaamay inay la socdaan, waxay tilmaamaysaa fadeexad hor leh oo ah in Xukuumadda Somaliland sidii horeba caadada u ahaan jirtay inay u dhuumanayso, ama la dhuumanayso wada hadallada Soomaaliya oo kulan Turkiga ka dhacaya oo qarsoodi ah ay ka qayb  galayaan, wax laga qarinayo garan mayno, waxayna u eegtahay arrintaasi mid milgihii, sharaftii iyo meeqaamkii Somaliland hoos u dhigeysa, waanu cambaaraynaynaa kumana taageersanin Xisbi ahaan, Xukuumadda wada hadallada noocaasi ah ee qarsoodiga ah. Xalaal iftin baa la qashaa, waxaanu jecelnahay annagu gooni isu taaga Somaliland.”

 

Afhayeenka WADDANI, waxa kale oo uu ka hadlay qaabka ugu haboon ee loo wajahi karo wada-hadallada lagu baadi doonayo aqoonsiga Somaliland, “Si looga midho dhaliyo Soomaaliya ama beesha Caalamka ha laga hadlee inay yeelato qorshayaal iyo ajandayaal u dejisan, oo Qarankani leeyahay oo ay Xukuumaddu soo saarto, oo ay Ummaddu ku raacdo, oo Goleyaasha la soo mariyo, oo laga baaraandego, taas ayaa lagu gaadhi karaa midho dhal, laakiin dhuumasho iyo Turki diyaarad loo raaco waxaanu u aragnaa qadiyaddii Somaliland oo la xaraashayo, meel lagaga dhacayo, aad ayaanu uga xunahay”.

 

Ugu danbayntiina waxa uu baaq u diray bulshada Somaliland “Imikana waanu u sheegaynaa bulsho weynta Somaliland inaanay aqbali doonin una dulqaadan doonin waxa halkaasi ka soo baxa iyo waxa la midka ah ee foolxumada ku ah magaca iyo milgaha karaamada Jamhuuriyada Somaliland”.

Comments are closed