Tageerayaasha Xisbiga UCID ee Dalka Ingiriiska oo xaflad soo dhaweyna u qabtay Musharaxa Madaxwayne ahna Gudoomiyaha XisbigaUcid Eng Faysal Cali Waraabe+Sawiro
London12March17(SDN/QJ)Tageerayaasha Xisbiga UCID iyo Jaaliyada Somaliland ee Dalka Ingiriiska oo xaflad soo dhaweyna u qabtay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ahna Musharaxa Madaxwayne Mudane Faysal Cali Waraabe Xafladan oo ka dhacday galbeedka Magaaladda London waxa kasoo qaybgalay Xubanaha Xisbiga ee Heer Qaran iyo Gobolada ay ka kooban Tahay Wadankan Uk iyo Gudoomiyaha Jaaliiyada Somaliland iyo Qaybo ka Mida Ururada bulshada Somaliland Xafladan oo isagu jirta Tageero iyo is xogwaraysi waxa kale qaybo ka mida Dhalinyarada ku sugnayn xafladan ay Shaaciyeen inay ku biireen xisbiga UCID iyaga oo qatay Fikirka xisbiga Ucid iyo iyaga oo ku qancay Gudoomiye Faysal Cali Warabe uu yahay hogaan u qalma inuu dalka hogamiiyo waxa isna goobta ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland iyo Gudoomiyaha Gudida Abaaraha oo shaciiyey in loo gurmado shacabka reer somaliland ee abaarahu haystaan .Ugu danbeyntii waxa hadal dhinacyo badan taabanaaya soo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ahana Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe. Xafladan ayaa noqonaysa mid xisbiga Ucid ku muujiyey Taageerida Mugta leh ay ku haystaan Uk.