Tacsi: MARXUUM C/RAXMAAN TUBEEC
Hogaanka sare ee xisbiga Ucid Musharaxa Jagada Madaxweyne Iyo Ku Xigeenkiisa ,Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha xisbiga ucid waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, iyaga oo uga Tacsiyeeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid MARXUUM C/RAXMAAN TUBEEC Kaas oo Maanta ku Geeriyoodey Wadanka Ethiopia,Gaar Ahaan Magaalada Addis Ababa ( Inaa Li Laahi Waa Inaa Ileyhi Raajucuun )
Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalilandna Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII IYO QARAABADII uu marxuumku ka baxay
Aamiin Aamiin Aamiin