Tababarihii Hore ee Xulka Senegal Una Dhashey France Buruno Metsu Ayaa u Dhintey Cudurka Kansarka Isaga oo 59 Jir Ah.(By Jaahuur.
France-Nov-02-2013-(SDN) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ula haajireynaa xagaa iyo France,tababarihii hore ee xulka Senegal una dhashey dalka France Buruno Metsu ayaa ku bakhtiyey wadankiisa isaga oo 59-aal jir ah.
Tababare Metsu waxaa qudha ka jarey cudurka lagu magacaabo colon cancer,wuxuuna horey u bedeley Maradona marku tababaraha u ahaa naadigii Al Wasi ee Dubi.
Kansarkan oo kaga dhacay sambabada iyo beerka ayaa ku galaaftey magaalo yar oo uu ku dhashey laguna magacaabo Coudekerque-Village ee waqooyiga France.
Buruno Metsu oo aduunka ku soo can baxay markuu tababaraha u ahaa xulka Senegal 1-0 uga badiyey xulka France oo difaacanayey koobka kubadda cagta ee aduunka 2002 ee lagu qabtey Japan iyo South Korea.
Xulka Senegal ayaa soo gaadhey 8-dii ugu dambeeyey ee koobkaa aduunka isla markana u soo baxay Final Cup of Nation isla sannadkaas.
The Franch Football Federation (FFF) ayaa ka dhawaajiyey in Metsu Tababare magac u soo jiidey France.
Claude Le Roy oo tababare u soo noqdey Senegal,Cameroon, iyo Ghana ayaa ahaa saaxiib aad ugu dhaw Buruno Metsu.
Tababare Metsu ayaa intuu ka ahaa macalinka Bariga Dhexe ayaa ku guuleystey Gulf Cup 2007-kii asaga oo markaa ka ahaa tababare United Arab Emirates,intii una noqon macalinka Qatar.
W/qorey Jaahuur
SDN