Tababare Saintfiet oo Reer Belgian Ah Ayaa Laba Bilood oo Bilaa Mushahar ah Ku Tababari Doona Xulka Malawi Muxuuse Ka Wadaa?By Jaahuur
Malawi-July-27-2013-qurbejoognews.com-Ottawa- Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku jaleeceynaa xagaa iyo Bari Africa Malawi.
Xiriirka kubadda cagta ee Malawi (Football Association of Malawi) ayaa manta shaaca ka qaadey iney heleen tababare cusub oo reer Belgian ah una tababari doona xulkooda qaranka laba bilood oo taburucaad ah (Volunteer).
Haddaba tababarahan oo lagu magacaabo Saintfiet oo isagu ka dhawaajiyey ayaa can ka ah Africa macalina u soo noqdey xulalka Ethiopia,Namibia iyo Zimbabwi.
Waxaan leeyahay hal hadaf oo ah inaan xulka Malawi gaadhsiiyo koobka aduunka ee kubadda cagta ee ka dhici doona dalka Brazil sannadka 2014-ka,waa haddii aan ka badino xulka Nigeria bisha September 6-da 2013-ka.
Akhyaartay Nigeria ayaa guruubkeeda 9-dhibcood ku hogaamineysa,hadaba haddii ay Malawi ka badiso Nigeria waxay u ruqaansanayaan Play off-ka,qarkana u saarnaan doonaan u soo bixidda koobka aduunka.
Saintfiet oo aan la dhayalsan Karin ayaa waxa kale uu tbabare kazoo noqdey Belgain,Qatar,Germany,Faroe Island,Findland iyo Netherland.
Tababare Sainttfeit wuxuu ka codsadey (FAM ) Football Associatin of Malawi iney ka bixiyaa tigidhka diyaaradda marka ay u kala dhamaato,waa haddii aynan siinin shaqo joogta ah.
W/Qorey Jaahuur
qurbejoognews.com
jjaahuur@Hotmail.com