|

Tababaraha (CAF) Ben Koufie Ayaa Ku Baaqey In La Helow Tababarayaal Afrikaan ah oo Ka Hawlgala Qaaradda Afrika.(By Jaahuur)

Ghana-Nov-23-2013-(SDN)-Akhyaartay todobaadkan iyo qormadeena ciyaaraha waxaynu kaga dhawaajineynaa Confederation Of African Football (CAF) u qeybsamaha xagga tiknikada Ben Koufie ayey ka soo yeedhey in la kobciyo tababarayaal heer sare ah oo ka hawlgala qaaradda Afrika.

Tani waa inay is badashaa,Afrikana waa inay maamulataa hawlaheeda u goonida ah si  aduunweynuhu inoo ixtiraamo ereyadaasuna Ben Koufie ayey ka soo yeedhey.

Waxaynu ogsoonahay in 10-dawladood oo Afrika ah u soo baxeen isreeb-reebka koobka kubadda cagta ee aduunka,waxaana tababarayaal Afikana watey Ghana,Ethoipia iyo  Nigeria oo kaliyah.

Walow tababaraha Itoobia Sewnet Bishaw u soo bixin koobka kubadda cagta ee aduunka,halka ka Ghana Kwesi Appiah noqdey tababarihii ugu horeeyey oo Afrikan ah u horseedey guusha ay gaadheen xulka  Ghana (Black Stars).

Nigeria oo ah horyaalka Afrika ayaa iyana xaqiisadey Brazil,halka tababarahoodu Stephen Keshi horey u cambaareeyey tababarayaasha caddanka ah ku soo ququlaya qaaradda Afrika.

January-dii aynu soo dhaafney unbey ahayd,markii uu Stephen Keshi ku nuuxnuuxsadey  tababarayaasha caddanka ah waxay Afrika u yimaadaan lacag kaliya,anigu ma ihi cunsuri ee waa sida aay tahay.

Keshi waa tababarihii xulka Nigeria ee ku guuleystey Febuary Cup Of Nation,isla markana ahaa tababarihii ugu horeeyey ee Afrikan ah oo ku guuleystey (TROFHY).

Haddaba tababaraha xulka South Africa Gordon Igesund oo wax ka sheegey laysanka (Licence) Ben Koufie,dhawaaqa I soo gaadhey waa wax lagu qoslo,maxaan u haystaa shahaadadda anoo awalba ahaa tababare fiican runtu waxaa weeye waxaad noqon kartaa drawal wanaagsan,laakiin ma wadi kartid haddii uu laysankaagu dhacsanyahay sidaana waxay ka soo yeedhey koufie.

Gabadh u qaalbisan xagga tiknikada South Africa Football Association Fran Hilton Smith ayaa wax laga xumaado ah ku tilmaantay tababarayaash waddanka ee aan la qiimeyneyn,haddii aynu helno macalimiin qiimo leh waxaynu soo saari karnaa laacibiin xirfad leh.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

 

 

Comments are closed