|

Tababar loo soo gabagabeeyay dhallinyaro Soomaaliyeed

Minneapolis Dec 23,2011(qurbejoog.com)-Waxaa dhowaan soo  gabagaboogay tababar mudo siddeed todaab u socday da’yarta Soomaaliyeed ee degan labadda magaalo ee mataanaha ah (Minneapolis/St.Paul) iyo nawaaxigeeda.

Tababarkan ayaa waxaa qabtay waaxda Booliiska ee magaallada Minneapolis. Wuxuu ahaa sannadkii labaad ee booliiska Minneapolis ay qabtaan tababarkan. Haddaba tababarka loo sameeyay dhallinyaradda da’da yar ee Soomaaliyeed ayaa waxaa sannadkan ka qaybqalay 18 arday oo da’doodu u dhaxayso 13-jir ilaa 16-jir, iskuguna jiray gabdho iyo wiilal.

Tababarkan oo dhamaaday maalintii Jimcaha, December 9, 2011 ayaa wuxuu ahaa mid iskugu jira noocyo badan. Dhallinyarada ayaa waxay fursad u heleen in ay bartaan nidaamka booliisku shaqadooda u qabtaan. Sidoo kale, dhallinyaradda ayaa waxay barteen qaabka ay boolisku u joojiyaan gaadiidka ama shaqsiga ay ka shakiyaan. Waxaa kale oo ay dhallintani fursad u heleen in ay xirtaan yuunifoomka booliska iyo qalabka ay isticmaalan markay ay fuluniyaan shaqo xaallad degdeg ah. Dhallinyarada ayaa waxay kale oo ay booqdeen xabsiyadda dadka waaweyn iyo da’yarta lagu xidho.

Abuuritaanka tababarkan ayaa waxa uu ka dhashay qaar kamid ah masuuliyiinta u adeega bulshadda Soomaaliyeed oo arkay in baahi loo qabo mashruuc lagu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya dhallinyarada Soomaaliyeed iyo booliska. Tababarkan ayaa waxaa u noqday fursad ay si fiicab iskugu bartaan booliska iyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo inta badan iyagu marka kali ah ay kulmaan ay ahayd marka ay dhibaato jirto ama xaalad deg deg ah.

 Xaflad lagu soo gabagabeeyay tababarka loo sameeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay xarrunta Brian Coyle Center ee ku taala xaafada Cedar, magaalada Minneapolis. Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay, waalid, macalimiin, madax, shaqaalaha la shaqeeya dhallinyarada iyo dhallinyaro aad u tiro badan.

Goobta xaflada lagu qabtay ee Brian Coyle Center ayaa waxaa dhallinyaradda ka qalin jabisay tababarka lagu gudoon siiyay shahaado sharaf iyo abaal marino kala gadisan dhamaantood. Dhalliyarada da’da yar oo iyagu aad iyo aad ugu riyaaqsanaa gabagabada iyo xiritaanka tababarka ayaa waxay u mahadceliyeen dhamaan dadkii goobta joogay iyo waliba booliskii iyagu u furay tababarka oo ay kamid ahaayeen  Jeanine Brudenell oo ah gabaddha waaxda booliiska maagallada Minneapolis u qaabilsan la shaqaynta bulshadda Soomaaliyeed iyo Angel Peluso oo ah maamulaha barnaamijka dhallinyarda ee Xarunta Brian Coyle Center.

Haddaba tababarkan oo sannadkiiba hal mar dhaca ayaa waxay ula jeedadiisu tahay in kalsooni buuxda iyo is fahan la dhex dhigo dhallinta Soomaaliyeed iyo booliska magaallada Minneapolis. Dhallinyarada Soomaaliyeed oo iyagu dhigta dugsiyada sare ayaa waxay sidoo kale helaan buundooyin dheerad ah oo ay waxbarashadooda iyo buundooyinka ka qalinjabinta dugsiyadda sare u isticmaali karaan. Ugu danbayntii, tababarkan ayaa isagu ah mid natiija lama huraan ah ka keena, kaalin buuxdana ka ciyaara fahanka nidaamka iyo qaabka ay sharciyadda  iyo waaxyaha kala duwan ee wadanka Maraykanu u shaqeeyaan, gaar ahaan sharicyada la xiriira da’yarta degan magaalada Minneapolis iyo nawaaxigeeda.

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar, abdirahmanmukhtar@gmail.com

 

Comments are closed