“Taasaa idiinku dambaysa Xus dambe oo aad Been ka sheegtaan, waana inoo 35-guurada iyo cid dambe oo timaadda.”Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale
Hargeysa:April,08,2015(SDN/QJ)-Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa si damqasho leh uga Hadlay Munaasibad heerkeedu hooseeyo oo xukuumaddu ku kaliyeysatay, taas oo lagu xusayay Sanad-guuradii 34-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Dhaqdhaqaaqii soomaaliyeed ee SNM oo isagu xubin muhiim ah ka ahaa.
Mujaahid Boobe oo aragtidiisa gaarka ah ka Hadlay, ayaa warbaahinta u sheegay in la majaro habaabiyey Muhiimaddii maalintaasi lahay, isla-markaana ay xukuumaddu si bahdilan maalintaas qiimaha lahayd u beddeshay.
Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu munaasibaddii xukuumaddu maalintan ugu qabatay ku tilmaamay mid dhereg-dhacsi iyo digasho ahayd, waxana xusay inaan la qiimaynin dadka ay kasii muuqato dhibaatadii ka dhalatay Halgankii la galay,
“Waa Daawanaynay markii la lahaa waa la xusayaa 34-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii SNM, uma aanu arkaynin xuse waxanu u arkaynayey dibirro-dhacsi iyo digasho, waayo marka laga hadlayo dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed dadbaa u naafoobay, dadbaa u shahiiday, dadbaa u dhintay, dadbaa weer cas u xidan, naafadii baa nool oo xininyahoodii maqan yihiin oo bac ku kaajaya oo iyagoo dhutinaya oo luguhu go’an yihiin hor maraya madaxtooyada.” Ayuu yidhi Muj. Boobe Yuusuf Ducaale.
Boobe Yuusuf Ducaale oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in xuska maalintaasi aanu geyin in lasoo casuumo dad aan ehel u ahayn waxa laga hadlayo, waxana uu rajeeyey in kooxda Xuskan majaro habaabisay aanay gaadhin sanad-guurada dambe, waxana uu yidhi,
“Looma baahna in la yidhaahdo waxa la xusayaa shuhadadii oo ay halkaas yimaadaan dad aan waxba ogayn halgankii hubaysnaa ee Dibu xoraynta qaran ee ay SNM Horseedka ka ahayd ee Tobanka sano socday. Waxanse kusoo gunaanadayaa taasaa idiinku dambaysa Xus dambe oo aad Been ka sheegtaan, waana inoo 35-guurada iyo cid dambe oo timaadda.
Xuska sanad-guuradii 34-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ururkii SNM, ayaa waxa keli ku ahaa Xukuumadda, waxana ka maqnaa inta badan mujaahidiinta caanka ku ah halkankaas oo haatan intooda badani mucaarid ah.
SDN/QJ