|

Taariikhda Waddanka Boqortooyadda Sucuudiga oo Markii u Horaysay ay Haweenku ka Qayb galeen Codbixinta Doorashada Deegaanka DAAWO

Riyadh 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Dumarka dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay codkooda ka dhiibtay doorashooyinka dowladaha hoose, iyadoo haweenay markii ugu horreysay taariikhda dalkaasi ay u sharaxan tahay mid ka mid ah kuraasta golayaasha deegaanka.

5DD487B7-397C-45F2-AF87-A6A74FA4F5FC_w640_r1_s_cx0_cy7_cw0Rag iyo Dumar ayaa xarumo kale duwan si gaar ah codkooda uga dhiibtay.

Isbedelkan ayaa qeyb ka ah raadadkii uu ka tagay, boqorkii Cabdallihii geeriyooday bishii January, oo isagu soo saaray sannadkii 2011 wareegto ogolaaneysa dumarka inay codeyn karaan.

Dumarka Sacuudiga ayaa sidoo kale waxay haatan xaq u leeyihiin inay isu soo sharxaan kuraasta golayaasha deegaanka.

Fawzeya al-Harbi oo u sharaxay gole deegaan ayaa sheegtay inay tani tahay fursad ay dumarka Sacuudiga sugayeen 10-kii sano ee la soo dhaafay si ay qeyb uga noqdaan Jaangoynta Siyaasada Iyo Masiir ka Gaadhista dalkooda.

Hay’adda Human Rights Watch, ayaa sidoo kale sheegtay in dumarku ay aad ugu adkeyd inay isu diwaan geliyaan codeynta.

Doorashadii ugu horreysay ee gole deegaan ayaa Sacuudiga ka dhacday sanadkii 2005-tii.​

Comments are closed