Taariikhda Iyo Waayo aragnimadda Warfidiyeen ee Weriye Maxamed Xasan Cali Weji & Dhacdooyin La Yaab leh oo uu soo Bandhigay
Hargaysa 22. March 2017 (SDN/QJ):- Maxamed Xasan Cali Weji Waa Mid ka Mid ah Weriyeyaasha Ruug Cadaaga ah ee Somaliland Isla markaana Mudo dheer ka soo Shaqaynayay Warbaahinta Dalkii la Isku odhan Jiray Somalia iyo haatan oo uu ka hawl galo Idaacadda Radio Hargaysa,Waa Shakhsi leh awood Curineed oo aad u qoto dheer.
Maxamed Xasan Cali Weji Waxyaabaha rabi hibada u siiyey waxaa ka mid ah Soo Gudbinta iyo Curinta Sheekooyinka Sawirka bixiya,Sidoo Kale Waa Weriye Madadaaladiisa aad loo Jeclaysto Isla markaana leh Hannaan Tebineed oo Mug leh.
Mr Maxamed Xasan Cali ‘’Weji’’ ayaa Xogwaran dhinacyo badan leh Siiyay Barnaamijka Baro oo Ku Dayo Muwaadinkaaga Danta Guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc Qarnigii tegay oo uu Soo Saaro Hal door Rashiid Sulub Caalin.
Weji Waxa ugu Horayn la Weydiiyey Xiligii uu dhashay,Halkii uu ku dhashay iyo Deegaanadii uu Waxbarashadiisa ku soo qaatay waxaanu Yidhi ‘’ Taariikh Qorani ma Jirto Laakiin Sannadihii Kontomeeyadii Ayaan ku dhashay Magaaladda Berbera iyada ayaanan ku soo barbaaray,Malcaamadii Ilaa Dugsiga Hoosena kaga soo baxay, Dugsiga Dhexe Waxaanu Galnay Sheekh waayo may Jirin Dugsiyo dhexe oo badan’’
Maxamed Xasan Cali oo Ka Jawaabayay inuu Tafaasiil ka Bixiyo Shaqooyinkii uu soo qabtay iyo Waayo aragnimadii uu ka Kasbaday ayaa Ku Halceliyey ‘’Markaan Dugsiga dhexe dhamaystay waxa la ii qaatay Macallinimo iyadoo Mudo Laba sanno ah aanu dugsiga Axmed Guray ee Hargaysa ku baranaynay Tot, Waxaa Markaas kadib nala Geeyay Kuliyad u dhaxaysa Afgooye Iyo Xamar oo La Odhan Jiray (National Teacher Education Canter ) Balse Markii danbe loo bixiyey Lafoole Sadex Sannadood ayaan qaatay Waxaan Gaadhay Heerkii Dugsiga Sare iyo Tababarkii Macallinimada Waxaan ka soo baxay anigoo dugsiga sare iyo ka dhexeba wax ka dhigi kara Waxaan Macallinimada Bilaabay 15 August 1967-dii Nasiib Wanaag Magaaladii aan Ku dhashay ee Berbera ee aan Waxbarashada ka Bilaabay Ayaan ku soo laabtay anigoo Macallin ah’’
Mr Weji Waxa uu ka Hadlay Ku soo Biiristiisii Bah’da Warbaahinta iyo ka soo Bixistiisii Dhinicii Macallinimadda waxaanu Yidhi ‘’Intii aan Yaraa Ilaa 30 Jirkaygii Waxaan ahaa Qof aan Hadal badnayn,Dadkii Wakhtigaas I Yaqaanay Markay arkaan anigoo Idaacad,Tv amase Meel Fagaare ah ka Hadlaya waxay Yidhaahdaan Subxaanalaah Ninkani Miyaanu Ninkii ahayn Inkasta oo aan aamus badnaa hadana waxaan ahaa Qof Akhris badan leh Markaan ka soo baxay Jaamacadii Lafoole ayaa aniga iyo Nin Ila dhashay oo Aqal ka qadaynayna Waxaanu Radio Muqdisho ka Maqalnay Ogaysiis ay ku rabaan Weriyeyaal Cusub oo Jaamiciyiin ah oo Wakhti Xaddidan kula Shaqeeya,Intii ehelkayga ahayd ee Halkaas Ila Joogtay Waxay igu guubaabiyeen inaan doonto Shaqadan, balse anigoon Sidaas u Xiisaynayn Ayaan Soo qortay Arjigii Codsiga ahaa Waxay Taariikhdu ahayd 1977-kii, Halkaas Ayaan Shaqadii Warbaahinta ka bilaabay anigoo noqday qofkii Kowaad ee Tobankii Xubnood ee la qaatay Waxaan Ku Beegmay Iyadoo ay Joogaan Waayo arag Saxaafadeed waxaa Ka Mid ahaa Yaasiin Xaaji Ismaaciil oo Macallinkayga ahaa’’
Maxamed Xasan Cali Weji Wuxuu Ka Hadlay Markii uu Warbaahinta Ku Biiray arrimihii uu Xiisayn Jiray Waxaanu Yidhi ‘’Tebinta Sheekadu waa Hibo Ilaahay Bixiyo hadana waxaa sii Caawiya inaad Uruuriso Sheekooyin badan,Markii aan Jaamacada Ku Jiray Waxaan bartay Waxay Sheeko Tahay oo Noqonaysa Suugaan,Waxaan bartay Xubnaha Sheekada Gaaban,Xubnaha Sheekada dheer,Alifaadeedda iyo Siyaabaha loo Sameeyo Taas oo waxaa iga Kaabay Markii aan Ku Jiray Dugsiyada Hoose Iyo Kuwa Dhexe ee aan Aamuska badnaa oo aan Sheekooyinka aad u akhrin jiray,Markii hore Sheekooyinkii aan Uruuriyey Ayaan Tebin Jiray Hadase anigaa Sameeya Waxaana ka Mid ah Barnaamijka Sheeko Gaaban ee Maanta ka Baxa Idaacadda Radio Hargaysa’’
Maxamed Xasan Cali ‘’Weji’’ Wuxuu Xilal Kala Duwan ka soo Qabtay Idaacadii Muqdisho Iyo Radio Hargaysa oo uu haatan ka Tirsan Yahay Isla markaana uu ka Mid Yahay Odayaasha Wasaaradda Warfaafinta, Iyo Wacyigelinta Somaliland Inkasta oo uu Sheegay inaanu haatan Wax Xil ah ka hayn Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta.
Waxaa Kale oo uu Maxamed Xasan Cali Weji Sheegay in Higsigiisu Yahay Sidii u u Daabici lahaa Sheekooyin Tiro badan oo uu hayo Waxaanu si Kaftan ah u Yidhi Waxaa Kale oo aan Higsanayaa inaan Madaxweyne ka Noqdo Dalkayga Jamhuuriyadda Somaliland.