Taariikhda dheer ee Degmada Sheekh ay ku leedahay dadka ku hadla Afka Somaliga iyo Barnaamij uu Weriye C.salaan Hereri ka Diyaariyay DAAWO
Sheekh 03.April 2015 (SDN/QJ)- Degmada Sheekh Waa Degaan Buuralay ah oo ay Marto Silsilada Golis Cimilo ahaan Waa Deegaan lagu Tiriyo Qaboobe maadaama ay ku taal Bogcad Jooga Bada ka dheer .
Sidoo kale Degmada Sheekh Waxay ummada Somaliland iyo Dadka ku hadla Luuqada Afsomaligaba ugu astaysan tahay inay tahay hoy aqooneed Waxay Degmada Sheekh ahayd Goobihii ugu horeeyay ee Dhulka Somaliland ee uu Maamulkii Ingiriisku ka furay Dugsi Boodhin ah Sannadkii 1936kii ee Qarnigii Tegay oo haatan laga Joogo Wakhti ku Siman 78 Sannadood,Dugsigaasi Isbedelo door ah ayaa mudadaasi dheer ku yimid hasa yeeshee ilaa iyo maanta waa Wershad Soo saarta da’a yar Tiro badan oo aqoon wax tar leh xambaarsan Waa Halkii ay soo aflaxeen Siyaasiyiin Caan ah oo Mandaqada Geeska africa aad looga wada yaqaan,
Hadii aynu Tusaale Kooban ka Bixino Afar Madaxweyne oo soo maray Jamhuuriyada Somaliland Mudadii ay Madax bannaanideeda la soo noqotay ayaa Sadex ka Mid ahi Waxay ahaayeen Muudkii iyo Midhihii ka soo baxay ee ka soo aflaxay Dugsiga Sheekh ee Boodhinka ah Kuwaas oo kala ah Alle ha u Naxariistee C.raxmaan Axmed Cali Tuur, M.Weynihii u horeeyay ee Somaliland, Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Madaxweynihii labaad ee Somaliland iyo Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Madaxweynaha Haatan ee Somaliland.