TAARIIKH KOOBAN:BANKIGA GANACSIGA IYO KEYDKA SOOMAALIYEED
Muqdisho Dec 20,2013(SDN)-Taariikhdu Marki ay aheyd: January 1, 1971 ayaa Dowladdii Soomaaliyeed ee Kacaanka waxay Sameeysey Laba Banki Ganacsi oo kala ah:
1- Baniga Keydka iyo Deynta Soomaaliyeed (Somali Saving and credit Bank)
2- Bankiga Ganacsiga Soomaaliyeed (Somali Commercial Bank)
Sanadkii 1975 ayaa Dowladda Soomaaliya Isku dartay labadii Banki ee kor ku soo sheegay waxayna ka dhigtay hal Banki kaas oo loo bixiyay: Bankiga Ganacsiga iyo Keydka Soomaliyeed (Commercial and Saving Bank of Somalia)
Bankiga Ganacsiga iyo Keydka Soomaaliyeed wuxuu ka koobna Qeybaha soo socda:
1- Qeybta Shaqaalaha
2- Qeybta Xisaabaha guud
3- Qeybta Xoghaynt guud
4- Qeybta Qasnada dhexe
5- Qeybta Sharciyadda
6- Qeybta Ammahda
7- Qeybta Deyn Soo Celinta
8- Qeybta Baarista iyo Kormeerka
9- Qeybta dhismaha, farsamada iyo Gadiidka
10- Qeybta Tababarada
Bankiga Ganacsiga iyo keydka Soomaaliyeed wuxuu lahaa 42 Laamood marka lugu daro Laantii Dalka jabuuti ku taaley. Haddii aan wax ka sheego laamaha Caasimada Muqdishu ku yaaley waxay kala yihiin
1- Laanta Xarunta
2- Laanta kowaad
3- Laanta Shariif Abow
4- Laanta Sadaaxaad ee Wakaalada Muuska
5- Laanta Shanaad ee Jubba
6- Laanta Wardhiigley
7- Laanta wadajir
8- Laanta KM 4
9- Laanta Hodan
Bankiga Ganacsiga iyo Keydka Soomaaliyeed Waxaa soo marey 5 Guddoomiye Xilalk iskaaga danbeeyay waa inta aniga aan ogahay waxayna kala yihiin:
1- Guddoomiye : Bashiir Ciise Cali
2- Guddoomiye : Sheef Maxamed Cali Bulay
3- Guddoomiye : Cismaan X. Yuusuf
4- Guddoomiye : Cali Nuur Isaaq
5- Guddoomiye : Maxamed Cali Xirsi
6- Guddoomiye : Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud,
wuxuuna ahaa Cabdiraxmaan Ducaale Guddoomiyihii Ugu danbeeyay ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad , in kasto ee Dowladdi Madaxweyne Cali Mahdi dib loo magaacabey Cabdiraxmaan Ducaale in uu noqdo Guddoomiyaha Bankiga Ganacsiga iyo Keydka Soomaaliyeed.
Mahad Sanadiin,
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com