|

Taalibaan Oo Si Buuxda Ula Wareegay Gacan Ku Haynta Magaalada Sangin Ee Koonfurka Afghanistan

Sangin,24Dec,2015(QJ/SDN)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Koofurta Afghanistan ayaa sheegaya in degmada Sangin ee ka tirsan Gobolka Helmand ay si buuxda ula wareegeen dagaalyahanada Taalibaan, kadib maalmo dagaalo culus ka socdeen.Saldhiga Booliska iyo xaruntii degmada Sangin ayaa dagaalyahanada Taalibaan la wareegeen, sida uu u xaqiijiyay mudane ka tirsan golaha deegaanka Sangin.

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay la wareegeen degmada Sangin, iyadoo calan ka taagay xarumihii maamulka iyo saldhiga Booliska.

Wasaaradda Difaaca Afghnistan ayaa sheegtay in dagaalada uu sii socdo, isla markaana ay ciidamo xoojin u dirtay Sangin.

Guddoomiyaha degmada Sangin Haji Suliman Shah ayaa BBC u sheegay in diyaarad looga qaaday xarunta degmada, isla markaana loo duuliyay saldhiga Shorabak oo ah caasimada Gobolka Lashkar Gah, waxaana wehliyay dhaawacyada 15 ka tirsan ciidamada ammaanka

Degmada Sangin ayaa aheyd meeshii ugu badneyd ee ay ku dhinteen Ciidamada UK, intii uu socday howl galkii Afghanistan loogaga saarayay Taalibaan.

Comments are closed