Taageereyaasha Mucaaridka Jabuuti oo ay Weheliyaan shucuubka Geeska Africa ee Mareykanka ku nool oo ku mudaharaaday Madaxweynaha Jabuuti
Washington Aug 06, 20149SDN/QJ)-Taageereyaasha iyo madax ka mida mucaaridka xukuumada Jabuutioo ay weheliyaan jaaliyadaha dalalka Geeska Africa ayaa ku mudaharaaday madaxweynaha Jabuuti oo ka mida madaxda Afrika ee dalkaa booqanaya.
Isu soo baxa oo ay ka qeybgaleen in ka badan 2000 oo ruux ayaa waxa goob jog ku ahaa masuuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Jabhada FRUD Mockbel Xasan, Ergeyga USN ee Mareykanka Ismacil Abtidoon iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Abdalla Maxamed Cabdoo, Maxamed Jamac iyo Ali Chehem.
Isu soo baxayaasha ayaa ku qeylayay ereyo ka dhan ah hogaanka madaxweyne Ismail Cumar Geelle isla markaana qorsheynaya in ay sii wadaan isu soo baxyada inta Ismaciil Cumar uu Mareykanka joogo.