|

Taageerayaashii Reer Ghana oo Qaxootinmo (Political Asylum) Weydiistey Brazil Maxay Qoonsadeen?(By Jaahuur)

jaahuurBrazil-12-June-2014-(SDN) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ula kacaynaa  xagaa iyo Brazil &taageerayaashii reer xulka Ghana oo qaxootinmo weydiistey dalka Brazil,haddaba sabatu maxay tahay?

Aalaba waxaynu ogsoonahay in koobka kubadda cagta ee aduunku kana soo qeyb galeen 32-ba dowladood lana soo gaadhey ciyaartii kama dambeysta ahayd foodana isla gali doonaan Germany iyo Argentina maalinta Axadda.

Taageerayaashan reer Ghana ee u yimid xulkooda iney taageeraan ayaa tiradoodu ahayd 650 kuna soo galey dal ku gal ama dalxiis (VISA).

Xulka Ghana ayaa laga badiyey laba ciyaaroo waxaana ka badiyey USA iyo Portugal Bar-bardhacna waxay ku kala faataxeysteen Germany.

Haddaba taageerayaashan reer Ghana ee qaxootinimada weydiistey Brazil ayaa ku andacoodey in lagu xaqiro diinta muslimka ee aaminsanyihiin.

Wariye ka soo warama caasimadda Ghana ee Accra Sammy Darko ayaa ka dhawaajiyey in wax midabtakoor oo xag diimed ka jirin dalka Ghana,waana dalka kaliya ee galbeedka Africa nabadgalyadeedu iyo is dhaxgalkeedu lagu naaloodo.

Sarkaal loo xilsaarey arintan ayaa ku dhawaaqey in shaqeysankaraan wadanka inta arintoodu meel u dhacayso,walow aay filayaan in boqolaal kale isa soo dhiibaan maalinta la soo gunaanado koobkan kubadda cagta ee aduunka.

Bal eynu eegno halka aay iskugu soo biyo shubanto.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed