|

Taageerayaasha Mucaaridka Kenya oo Banaan bax ka dhan ah Guddida Doorashada ka Dhigay Magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Kenya

Nairobi 03. October 2017 (SDN/QJ):- Taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya, Raila Odinga, ayaa dhigay dibadbax ka dhan ah guddiga doorashada waxay ka dhigeen caasimadda dalkaasi ee Nairobi iyo Magaaladda Kisuma ee Galbeedka Kenya oo Mucaaridku ku Xoogan yahay.

Guddiga Doorashadda ayaa isu diyaarinaya qabashada doorashada Madaxtooyo ee lagu celinayodhammaadkan bishan, balse mucaaradka ayaa doonaya in xubno ka mid ah Gudidaasi shaqada laga joojiyo.

Ciidanka Booliska ayaa gaaska dadka kaga ilmeysiisa ku riday dibadbaxayaasha,Isla markaana Xidhay Jidadka ay doonayeen inay Maraan.

Mudaaharaadyada waxay ka dhaceen Xarunta Nairobi iyo magaalada uu mucaaradka ku xoog badan yahay ee Kisumu ee galbeedka Kenya.

Dadka isu soo baxay waxay u hogaansameen Raila Odinga oo ka dalbaday inay dibad bax balaadhan sameeyaan Isla markaana ay isugu tagaan xarunta guddiga doorashada.

Hogaamiyaha Mucaaridku Raila wuxuu doonayaa in isbedel muhiim ah lagu sameeyo saraakiisha sare ee guddiga doorashada iyo in hannaanka doorashada wax laga badalo.

Doorashaddii dhacday 8-dii August ayaa maxkamadda ugu sareysa Kenya waxay laashay natiijadeedii iyadoo amartay in dib loogu celiyo doorashadaas 26-ka bishan oktobar.

Maxkamadda ayaa diiday guushii uu gaaray madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta, waxayna amartay in 60 maalmood gudahood lagu qabto mid ku celis ah.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in ay jireen qaladaad la sameeyay xilligii soo gudbinta natiijada iyo in tirada codeynta la badalay.

Comments are closed