|

Taageerayaasha Maxamed Mursi oo cagta la mariyey lagana dilay in kabadan 100-qof

masarCairo:-27-july-2013-(SDN) in kabadan 100-ruux oo dhamaantoodba ah taageerayaasha Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen iska hor-imaadyo ay la galeen Ciidamada Ammaanka ee Dalkaasi.

Isku dhacyada ayaa soo bilowday habeenimadii xalay saqdhexe iyadoo ay sii socdaan maanta waxaana ay ka dhaceen agagaarka masaajidka Rabaa al-Adawiya, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan goobta.

 

Dhaqtar oo ku sugan isbitaal ku yaala magaalada ayaa sheegay in dadka dhaawacyada soo gaadhay ay ka badan yihiin 1.000 dhimashadana ay sii kordhi karto, sida uu hadalka u dhigay.

 

Taageerayaasha madaxweynaha dalka Masar ee xilka laga tuuray iyo kuwa kasoo horjeeda ayaa la sheegay in banaanbaxyada ay dhigayeen maanta.

 

Kumanaan taageerayaasha Mursi ayaa la sheegay inay isugu soo kulmeen fagaaraha taxriir Spuare ee magaalada iyadoo la sheegay inay isku dhaceen iyadoo qaarkood ciidamada meletariga ay qabqabteen.

Bannaabaxyada haatan ka socda wadanka masaarida ayaa sii xoogaysanaya, waxana mudahaaradada  xoogaada ku baaqay ninka militariga ah ee haatan  ah wasiirka Difaaca ee dalkaas Mr Aziisi,waxana ay taasi keentay inay taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuurayna ay aad  isugu soo baxaan oo ay isku dhacaan ciidan badan oo waddooyinka la soo dhoobay.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed