|

Taageerayaal Cududooda Ku Soo Biiriyay Xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer

Burco 24.Jan 2014 (SDN)- Cuqaal,waxgarad,dhalinyaro, haween iyo taageereyaashii ugu badnaa ee ka soo jeeda beesha barriga Burco ayaa maanta ku soo biiray xisbiga mucaaridka ee WADDANI ka dib markii ay saluugeen isla markaana qawadeen xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka dhalatay-ba.

Axmed Muumin SeedXaflad xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayay Taageereyaashan oo lagu qabtay Huteelka Deero ee Magaaladda Burco. Waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo saraakiil badan oo ka tirsan xisbiga iyo xubnaha Baarlamaanka kaga jira WADDANI qaarkood.

 

Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad naqay Taageereyaasha cusub  ee ku soo biiray WADDANI ka dib markii ay isku garan waayeen xisbiga tallada haya ee KULMIYE.
Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu sheegay in xisbigoodu uu yahay mid ay cadaalad ka heli karaan dadweynuhu oo loo siman yahay, waxaanu yidhi “Aad baan idiinku faraxsan nahay mar haddii aad nagu soo biirteen, Beeshiina Barigu awalba Xisbiga waad ku jirteen, maantana cududiina waanu aragnaa,Xisbigan waxaad ka helaysaan Cadaalad oo maanta lag bilaabo waynu u siman nahay oo cidna lagama laha ee waa loo siman yahay.”
C/rashiid Riyaraac oo Xafladaas ka hadlaya ayaa Dawlada ku dhaliilay wadahadalada ay la leedahay soomaliya waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Taageerada Bariga Burco ee Xubnaha Muhiimka ah ee xisbigan ku soo biirtaya waanu soo dhawaynaynaa farxad gaar ah bay ii tahay,Kulmiye in badan baa loo soo shaqeeyay oo tacab badan baad soo galiseen Balan qaad badan buu sameeyay,wixii la balan qaaday lama hayo”

C/Rashiid waxa uu sheegay in balan-qaadyadii xisbiga KULMIYE aan waxba laga haynin, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Xukuumada Markhaati ka noqon mayno in uu Wasiirka Qorshayntu yidhaahdo Sideed iyo Tobankii Gobol ee Soomaaliya ayaa dadka lagu diiwaangalinayaa aad ka mid tihiin.”

“Markhaati ka noqnmayno oo yeeli mayno waxa turkiga laga wado ee a in shalay la saxeexay in wax walba laga wadahadlo oo ay ka mid tahay Gooni isu taagii Somaliland,Heshiisyadan iyo xaquqalinkan ay dawaldu qaadanayaso ee shirkadaha la keenayo,waligiin miyaad aragteen dawalda tidhaahda xaquqalin baanu qaadanaynaa,waad ogtiin dekadeenii iyadaan cid lagala tashan in lasoo saxeexayo maxaa lagu qaadanayaa,dhegysan mayno heshiis aan baarlamaan la gayn,Saaka waxaa hadlayay madaxwaynihii Somaaliya waxa uu yidhi Midnimada Somaliaya waa muqadas Turkiga waxa laga wadaana waa Muqadas wax intaas ka sokeeya oo laga wada hadlayaana ma jiraan,inagana qoladeenii intay soo noqotay bay yidhaahdeen meeqaam sare ayaa nalagu soo dhaweeyay,”ayuu yidhi Cabdirashiid.
Xildibaan Jaamac Xasan Aadan ,Xil.Rayte,Xildh.Xuseen Cigge,Xoghayaha Guud ee Waddani,Xasan Xuseen,Dr-Fadal,Agaasimihii Hore ee Ciyaaraha Mustafe Qodax iyo madaxkale oo Xisbiga ka tirsan ayaa dhamaantoodba soo daweeyay taageerayaashan kusoo biiray Xisbiga wadani,waxaanay sheegeen inay guul wayn u tahay.

 

Oday Cabdi Maxamuud Qaloonbi (Cabdi Cago) Yuusuf,Muj: Cawl,Aamina Saado,oo ku hadlayay Tageerayashii iyo Madaxdii kusoo Biiray Xisbiga wadani ayaa dhamaantoodba sheegay ina xisbigan ay kusoo digarogteen ay awood iyo dedaalba isla barabar taagi doonaan kuna kalsoonyihiin inay cadaalad ka helaan.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed