“Ta aanaan ka Gam’aynin aniga iyo Inta aan xiskooda lala isticmaalini waa Dib-u-hunguraynta Xukuumadd Ee Reer A/Dhagax “Xildh. Jaamac Riyo
Hargeysa:Nov,25,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Jaamac Riyo oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Ka Hadlay Xod-xodasho ay Xukuumaddu dhawaanahan ku Hayso shacabka Reer A/Dhagax oo uu Mudanuhu Dhalasho ahaan kasoo jeedo, waxana uu tilmaamay in dhaqanka Xukuumadda ee Deegaanadaasi yahay mid aan caqliga saliimka ah gelaynin.
Xildhibaanka oo shalay warbaahinta La Hadlay, ayaa sheegay in tallaabooyinka ay Xukuumaddu ku Hawllan tahay xilli cimrigeedii muddo Bilo ahi uga Hadsan yihiin ay tahay mid kali-talisnimo ah, isla-markaana lagu kala qaybinayo Beelaha Somaliland,
“iyadoo Xukuumadda Wakhtigeedii Gabaabsi yahay, Haddana waxbaa u sii dheeroo Waxad Mooddaa qaab warwar inay ku jirto, kuwaas oo ay kamid yihiin Reer Soo Dhawee, Reerna Geeska Yara Geli, taas oo ah Astaamaha Digtaytarka.” Ayuu yidhi Jaamac Riyo.
Xildhibaanka oo arrintaas kasii Hadlaya, ayaa si cad u sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Hore Qardoofooyin siyaasadeed iyo waxyeello badan ugu geystay Shacabka Reer A/Dhagax aan maanta sinaba looga aqbalaynin inay soo dhaweyn ka helaan, waxana uu yidhi,
“Ta aanaan ka Gam’aynin aniga iyo Inta aan xiskooda lala isticmaalini waa Dib-u-hunguraynta Reer A/Dhagax Dib loosoo Hungureeyey”
Hadalka Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa ka dambeeyey xilli dhawaanahan ay Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ku Hawllanayd sidii ay taageero ugu dhexyeellan lahayd Shacabka Deegaanka A/Dhagax oo ay hore Xukuumadda isku seegeen, waxana arrintaasi Muujisay inay Cod ka filayso Beeshaas, maadaama Beelo badan oo Hore taageerada Xukuumadda caan ugu ahaa haatan ay xamaamtooda ka laalaabteen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com