|

Syria oo maanta looga dareeray cod u qaadida Dastuur cusub oo dalkaasi yeesho

Dimishiq Feb 26,2012(SDN)-Dalka siiriya ayaa maanta albaabada loo furay goobaha  Codbixinta aftida loo qaadayo dastuurka cusub ee dalkaasi, iyada oo ay weli dalkaasi ka aloosan yihiin  Kacdoonka laga soo hor jeedo maamulka madaxweyne Bashaar al-asad.

Dastuurkan Cusub ee af-tida shacbi loo qaadayaa waxa uu jidaynayaa Doorashada madaxweynaha dalka ,waxaanuu meesha ka saarayaa doorkii hogaamineed ee xisbiga al-bacas ee talada dalkaasi  hayey muddo ku siman konton sanadooda.

Cod-bixintan af-tida dastuurka waxa codkooda ka dhiibanaya afar iyo toban malyuun oo qof oo da’doodu ka weyn tahay sided iyo toban jir. Dasturkan cusubi waxa uu bedelayaa dastuurka hadda  dalkaasi  leeyahay . kaasi oo lagu soo dhaqayey dalkaasi siiriya  ilasa 1970kii, ka dib markii uu  taladda dalka ku qabsaday Madaxweynihii  hore  ee geeriyooday ee dalkaasi Xaafid al-asad oo dhalay madaxweynaha hadda dalka  ka taliya Bashaar xaafid al-asad.Mucaaridka dalka siiriya ayaa iyagu diiday inay dastuurkan cusub u codeeyaan, iyaga oo ku andacoonaya inuu mac-uun uu yahay.

Af-tidan waxa dastuurka loo qaadayaa iyada oo ay dagaalada xukuumadda iyo mucaaridka u dhexeeyaa ka  socdaan badhtamaha iyo woqooyiga dalkaasi, dagaaladaasi oo ay  sabtidii oo keliya ay  ku dhinteen ilaa  boqol qof dad gaadhayaa.

 

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed