Syria oo ku gacan seydhay in ciidamo ka socda dalalka Carbta la geeyo dalkooda
Dimishiq Jan 18,2012(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Syria ayaa si qayaxan ugu gacan seydhay in ciidamo ka socda dalalka Carabta la geeyo dalkooda si ay ukala dhex galaan dadka kacdoonka wada iyo ciidamda dalkaas ee gamta ku haya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in labadii todobaad ee u danbeeyay ay dalka Syria ku dhinteen dad tiradooda ay ku sheegeen ilaa 400 oo ruux.
Shalay oo qudha ayaa dalkaas waxa ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay ilaa 18 ruux oo 6 ka mid ahi ay ahaayeen ciidamada amniga ee dalkaasi.
Rabshadaha ka socda Syria 10kii bilood ee u danbeeyay ayaa iminka galay marxalad hubeysan oo soo gaadhay caasimada dalkaasi.
Rabshadaha u badan ee caasimada Dimishiq ka dhaca ayaa ku kooban degaanka Zabadani oo ku dhaw xadka dalka Libiya.
Diidmadan u danbeysay ee wasaarada arrimaha dibedda ee Syria ay shaacisay ayaa jawaab u ahaa hadal ka soo yeedhay madaxa dalka Qatar Sheik Hamad bin Khalifa Al Thani oo soo jeediyay in ciidamo Carbeed la geeyo Syria.
Qurbejoog-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com