Syria oo ka badheedhay Baaq ka soo yeedhay Jaamacada Carabta
Dimishiq Feb 13,2012(qurbejoog.com)-Xukuumadda dalka siiriya ayaa gaashaanka u dhufatay qaraarka bayaanka ka soo baxay shirkii wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka jaamacadda carabta,eek u baaqaya in golaha amaanka Qaramada midoobay u diro ciidamo nabad ilaalin ah oo ka dsocda dalalka carbeed iyo Caalamka.
Qaraarkjan ka soo baxay kulanka wasiiradda arimaha dibadda dalalka jaamacadda carabta ku yeesheen magaalada Qaahira waxa kale oo uu soo jeediyey in mucaaridka ka soo hor jeeda xukuumadda dalka siiriya xidhiidh lala furo, lana siiyo taageero buuxda.
Bayaanka kulanka wasiiradda carbeed waxa kale oo lagu sheegay in Jsasmacadda carabtu go’aansatay in ay xidhiidh la sameeyaan mucaaridka siiriya , isla markaasina ay siiyaan taageero dhinacyada siyaasadda iyo maaliyada ah.
Waxa kale oo qaraarku ugu baaqayaa dalalka carbeed in ay fuliyaan cunaqabatayntii dhinaca dhaqaalaha ee lagu soo rogay siiriya, una jaraan dhamaan xidhiidhada dhinaca diblumaasiyadda oo dhan.
Bayaanka wasiiradda arimaha dibadda Jaamacadda carabta waxa ay ku canbaareeyeen waxa ugu yeedheen gumaadka shacabta siiriya. Waxaanay ku tilmaameen in sida ay xukuumadda siriya ula dhaq-mayso dadka Rayidka ah inay ka baxsan qaanuunka caalamiga ah ,kuna tahay xad gudub xuquuqda aadamaha.
Qurbejoog-Dimishiq