|

Syria oo hawadeeda ka mamnuucday Duyuuradaha Turkiga

Dimishiq Oct 14,2012(SDN)-Dawlada dalka Syria ayaa shaacisay in aaney dalkeeda u ogoleyn in duulimaadyada Turkigu isticmaalaan.

Talaabadan ayaa timi ka dib kolkii ay dawlada Turkigu fadhiisisay duyuurad dalka Syria laga leeyahay oo duulimaad ku mareysay hawada Turkiga.

Turkigu waxa ay sheegeen in duyuurada rakaabka ee Syria ay siday hub ay dawlada Ruushku ugu yabooheen xukuumada dagaalka ku jirta ee Bashar Al Asad.

Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee Syria oo goaankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in tilaabadani jawaab u tahay duyuuradooda ay Ankara heysato.

Turkiga ayaan ku dhawaaqin goaan ay ku fariisinayaan duyuuradaha Syria,balse waxa ay sheegeen in ay fariisinyaan duyuuradaha ay uga shakiyaan in ay hub sidaan.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed