|

Syria oo dhimashadu sii kordheyso

Dimishiq Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ee wadanka Suuriya ayaa maanta sheegay inay ilaa 48 ruux ku dhinteen goobo kala duwan markii ay Ciidamada dalkaasi si Axmaqnimo ah rasaas ugu rideen.

Dhamaan dadka la dilay waxay qayb ka ahaayeen banaanbaxayaasha ka soo horjeeda nadaamka bashaar Al-Asad, waxaana lagu soo waramayaa in dad badan oo kale ay ciidamadu u taxaabeen goobaha cusub ee laga dhigtay xabsiyada.

Dhanka kalena Madaxweynaha faransiiska Nicoly zarkosi ayaa ugu baaqay Mucaaradka Suuriya inay midoobaan si ay caalamka xoriyadda jecel uga helaan gargaar, xilli ay Britian ku dhawaaqday inay gargaar dhanka bani’aadanimada ah gaadhsiin doonaan gudaha Suuriya.

Qurbejoog-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed