Suxuufiyad Muqdisho lagu kufsaday oo xarigna loogu daray iyo beeninta Xogtan ee Afhayeenka Villa Soomaaliya
Muqdisho Nov 22,2013(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay gabar suxuufiyad ah oo da’adeedu tahay 19 jir oo dhawaan la kufsaday iyo suxufi xogtan soo bandhigay.
Gabadha la kufsaday iyo Maxamed Bashir oo ah suxuufiga wareysatay oo u shaqeeya Shabeelle Radio ayaa xabsiga loo dhigay ceebeyn.
Sidaana waxa Al Jazeera u sheegay afhayeenka dawlada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisoow.
Sidoo kalena waxa isna xabsiga la dhigay mulkiiliha Iddaacada Radio Shabeelle Cabdi Malik Yusuf oo la siidaayay arrimo caafimaad awgeed.
Gabadha la kufsaday oo wareysigeedan la dhigay barta Internetka ee Youtube ayaa ka warameysa sida loo kufsaday iyo cida kufsatay.
Gabadhan suxuufiyada ah ee la kufsaday isla markaana xabsiga la dhigay ayaa sheegtay in suxuufi kale oo ka hawlgala iddaacada dawlada uu kufsaday.
Gabadhan dhibanaha ayaa sheegtay in ninkii kufsaday uu falkan u geystay kiyoo qori ku haya isla markaana aan ciidamadu qaban.
Afhayeenka dawlada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa beeniyay in laga soo xigtay xogtan isla markaana sheegay in si kale loo dhigay wixii uu yiri.
“Gabadhu waxa ay qiratay in cajalada muuqaalka ah lagu dirqiyay in ay qabato oo uu Bashiir culeys ku saaray”sidaa waxa yiri Eng Yariisoow.
Dawlada Soomaaliya ayaa ciidamadeeda amaanku hawlgal ku galay xaruntii Radio Shabeelle isla markaana xabsiga wada dhigay suxuufiyiintii halkaa ku sugnaa bishii hore.
SDN-Muqdisho
somalidiasporanews.com