|

Suxuufi ka hadlay isticmaalka Qaadka oo la xiray

Muqdisho July 23, 2024 (QJ)-Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si kulul uga hadlay xariga loo geystay wariye Cali Nuur Salaad oo ah agaasimaha mid ka mid ah TV-yada maxaliga ah ee Soomaaliya.

Madaxda warbaahinta madaxa banaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay xariga wariyaha oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah. Waxa ay dhaleeceeyeen sida loo xiray wariyahaasi, iyaga oo sheegay in aan loo marin nidaamka sharciga ah.

Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay Sawirka Wariyaha oo ku sugan Xarunta Taliska Ciidanka Booliska, waxayna war kooban ka soo saareen Bogga Facebook-ga ee Booliska Gobolka Banaadir. Waxa ay ku eedeeyeen inuu ku kacay dhaqan xumo, been abuur iyo aflagaado uu u geystay ciidamada qaranka.

Wariyaha ayaa dhawaan bartiisa Facebook-ga soo dhigay muuqaal uu kaga hadlayo saamaynta xun ee uu qaadku ku leeyahay ciidamada qaranka. Waxaa la rumeysan yahay in arinkaasi uu yahay sababta loo xiray.

Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa fariin u diray Madaxweynaha, iyagoo ugu baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Cali Nuure.

Comments are closed