Suxufiyiinta Somalia Waxay noqdeen Kalluun ku dhex Jira Biyo Sumaysan Waayo Waxay u dhexeeyaan Dawlada iyo Xagjirka Alshabaab Warbixin
Muqdisho, 04.May 2016 (SDN/QJ):- Hay’adda xuquuqda Insanaka u doodda ee Human Rights Watch ayaa dawladda Soomaaliya iyo ururada Islaamiyiinta ku eedaysay inay ku xad gudbeen xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Waxaa loogu baaqay dawladda Soomaaliya si go’aann leh inay u dhammayso caga juglaynta iyo shaqaaqada ka dhanka ah saxafiyiinta.
Warbixintya HRW waxaa lagu soo beegay maalinta Xoriyadda Saxaafadda caalamka, oo dadka lagu baraarujiyo xoriyadda warbaahinta.
Warbixin ka koobmata 74 bog, ayaa cinwaan looga dhigay kalluun ama mallaay ku jira biyo sumaysan ayay lamid yihiin xoriyadda warbaahinta Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya waxaa lagu maagay inay adeegsato qaabab handadaada ah sida xarig iyo in xarumaha laga xiro.
Dhinaca kale Shabaab ayaa sidaasi si lamid ah loogu eedeeyay inay tacaddi xooggan kula kacdo saxafiyiinta.