|

Suxufiyiin Reer Spain Ah Oo Lagu La’yahay Gudaha Waddanka Suuriya

Alepo:Jully,22,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan saddex wariye oo  kasoo jeeda Dalka Spain, ayaa la la’yahay, kadib markii ay waddanka Suuriya u tageen diyaarinta Warbixinno Ku Saabsan Xaaladda Bani’aadan-nimada.

smor10-kii bishan July ayaa José Manuel López oo 44 jir ah, Ángel Sastre oo 35 iyo Antonio Pampliega 33 jir ah waxay Siiriya ka galeen dhanka Turkiga, mana jirin wax war ah oo laga helay iyaga illaa 12-kii July, Madaxweynaha Ururka Suxufiiyiinta Isku tagga Federaalka ah ee dalka Spain Else Gonzalez ayaa Wakaaladda AFP waxaa laga xigatay inay sidaas Telefishinka Spain u sheegtay Sakaasadii lasoo dhaafay.

“Gobolkaas (Aleppo) waxaa ka socda dagaal adag, waana sababta walaaca keentay, taas oo aan hadda ku sheegi karno waayitaan” ayay tidhi waxaynta intaas ku dartay Saraakiisha Dowladdu aanay weli sheegi karin wariyeyaasha la afduubtay iyo in kale.

Wariyeyaashan ayaa u shaqaynayey warbaahin kala duwan, marka lagu daro ABC iyo Wargayska La Razon ee dalka Spain kasoo baxa, waxayna u muuqdeen inay si wadajir ah uga shaqaynayeen Aleppo, si kastaba Gonzalez ma aanay xaqiijin.

“Ma naqaan inay wadajireen oo ay warbixinadooda baadhitaanka ah Aleppo ka samaynayeen” ayay tidhi Gonzalez oo intaas ku dartay in isla deegaanada Aleppo hore loogu afduubtay Saddex kale oo wariyeyaal Spanish-ka u dhashay ah sanadkii 2013.

Sida laga soo xigtay Ururka CPJ ee difaaca Wariyeyaasha ugu yaraan 84 Wariye ayaa lagu dilay dalka Siiriya illaa sanadkii 2011, qaar kalena weli waala la yahay halka qaarkoodna lacago madax furasho ah looga siidaayey Kooxda ISIL ee Argagixisada ah.

Illaa iyo March sanadkii sanadkii 2011, dalka Siiriya ayaa la daalaa dhacayey Xoogaga Millatari oo dalalka Ajaaniibta ah ay ku daad guraynayeen, marka lagu daro Turkiga, Maraykanka iyo qaarka mid ah Xulufadiisa Dalalka Carbeed,waxaana Dagaalada halkaas ka dhacay ay galaafteen Nolosha ku dhawaad Labo Boqol iyo sodon kun (230,000) oo ruux.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed