|

Suxufi Waayo arag ahaa,Hal Hays Dhaxal Gashayna laga Qoray oo Hargaysa ku Geeriyooday iyo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Tacsi u diray

Hargaysa 19.April {SDN}   Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Saxaafada JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, WELI XAAJI CAYNABO oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Isla markaana  Maanta lagu aasay.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay suxufi ruug-caddaa ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisaba, taariikhna ku leh bulshada Somaliland laguna-xasuusan-doono hadalkii wadaniyaddu ku dheehnayd ee uu ku dhawaaqay isaga oo ku jira tebinta cayaarihii gobolladii Somaliya loo qaban jiray, oo marxuumku si qiiro leh ku yidhi annagaa wadana markii ay cayaarta isku haleeleen Gobolkii Togdheer markaasi ka socday iyo Gobolkii Kismaayo ka socday oo marxuumku uu taageero aan gabasho lahayn la garab istaagay Gobolkii Togdheer metelaayey markii ay cayaarta isla heleen, isaga oo cayaarta u dhex ahaa markaasi.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku Sifeeyay suxufi ruug-caddaaya oo ka mid ahaa ragii salka u dhigay warbaahinta somaalida guud ahaan, jecelna dalkiisa iyo dadkiisaba, taariikhna ku leh bulshada Somaliland, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Wasaarada Warfaafinta JSL.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed